Isniin,
Sidaas oo ay tahay ayaa dhawaan waxaa uu Madaxweynaha dowlada federaalka C/laahi Yuusuf Axmed uu ku dhawaaqay in dowladu qabanayso shir dib u hishiisiin ah oo sida uu sheegay ay ka soo qeyb-galayaan in ka badan 3000 oo Ergo ah kana kala socta dhamaan beelaha soomaalida, waxaana uu Madaxweynuhu intaa ku daray in shirkaa uusan noqon doonin mid looga qeyb-galayo Qaab urur Siyaasadeed lakiin kaliya loo furayo Wax-garadka iyo odayaasha Beelaha soomaalida,
Marka aad eegto baaqa ka soo yeeray Madaxweynaha ee ah in shirkaasi la qabto ayaa xusid mudan in dib loo milicsado halka arimuhu iska diidi karaa iyo waliba sida xiligan soomaalidu u kala taagan tahay, dacan ma xuma in Ergo ka badan 3000 oo soomaali ah ay ku shiraan gudaha dalka soomaaliya lakiin su’aasha is weydiinta mudan waxaa ay tahay soo ma haboona si loo helo xal waara oo soo afjara sanadihii dheeraa ee colaada in Ergadaa tirada badan ay ka dhax muuqdaan shaqsiyaad ama kooxo wali shacabku tuhusan yahay in qeyb ku leeyihiin mashaqada wali taagan, sida mas’uuliyiintii maxkamadaha ee laga itaal roonaaday oo mar marka qaar dowladu ku eedeyso in ay ku lug leeyihiin dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
In lagu soo biiriyo shirka dowladu ku baaqday Mas’uuliyiintii maxkamadaha ayaa waxaa ay tahay laftirkeeda xaajo culuskeeda watada marka labo dhan laga eego, ugu horeyn ma aqbalayaan Mas’uuliyiintii hore ee Maxkamadaha in ay ka soo qeyb-galaan shir ay soo qaban qaabisay dowlada federaalka, hadiise ay iyagu ogolaadaan dowladu ma aqbaleysaa in ay soo dhaweyso dhamaan Mas’uuyiintii maxkamadaha iyada oo aan loo eegin Qunyar socod iyo xaqjir midna, dabcan labada dhanba jawaabta ugu fudud ee la filan karo waa maya.
Sidaa daraadeed shirka hada la doonayo in la qabto sida weyna loo hadal hayo ayaa waxaa la oran karaa waa mid micno badan yeelan kara, mar waxaa la oran karaa Mas’uuliyiinta sar sare ee dowlada federaalka waxaa ay la kulmeen cadaadis kaga yimid dhinaca beesha caalamka oo ah in dowladu qabto shir dib u hishiisiin ah, gaar ahaan midowga Yurub oo xitaa dhaqaalihii uu bixin lahaa ku xiray shirkaa isaga ah, waana tan soo dadajisay in markiiba dowladu ku baaqdo shirkaa isga ah.
Marka lakiin dhanka kale laga eego waa arin iyana lagu farxi karo in shirku noqdo mid beeluhu isku samaxaan maadaama aynu wada ognahay 16kii sano ee la soo dhaafay in soomaalidu beelo isku dishay, waxaa jirta oraah dhaheysa ( Sidee xeero lagu xagtaa Ilkana ku nabad galaan ) oo macneheedu noqonayo dowladu in ay dooneyso in shirku noqdo mid beesha caalamka raali galiya, xalna u keena umada soomaaliyeed iyada oo islamarkaana aan arinka lagu soo darin shaqsiyaadka dowladu u aragto aysan mudneyn ka qeyb-galka shirkaa la qaban qaabinayo.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa marnaba aan habooneyn in layska idho tiro xaqiiqda jirta iyada oo meelo kale wax laga eegayo, maxaa yeelay dowlada federaalku waa mid qaab sharci ah ku dhisan islamarkaana waqitgan la joogo mas’uul ka ah dhamaan umadda soomaaliyeed taasoo qasab ka dhigeysa in loo hogaasamo rabitaankeeda waa hadii uu yahay rabitaan ku dhasan maslaxada umada soomaaliyeed sida shirka hada la qaban qaabinayo oo kale, dhanka kalana dowlada laftirkeena waxaan uu xil ka saaran yahay in mar walba ay xooga saarto cid kasta oo wax tabaneysa hadii uu ahaan lahaayeen shaqsiyaad, ururo, iyo waliba xitaa kooxo siyaasadeed oo isbaheystay, si markaa meesha looga saaro shaki laga muujiyo hab maamulka dowlada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online