11.8 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Boqolaal Caruur ah oo la il-daran Cudurka Shuban Biyoodka oo jiifa Isbitaalka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, March 05, 2007(HOL): Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jiifa caruur tiradoodu ka badan tahay 200 Canug, kuwaasi oo la il-daran cudurka shuban biyoodka.

 

Iyadoo ay caruurtaas tirada badan ay jiifaan Isbitaalka hadana Isbitaalku ma dabooli karo baahida caafimaad ee ay Caruurtaas qabaan, waxaana ugu wacan iyadoo aaney Isbitaalka oolin wax dawooyin ah oo lagula tacaalo Caruurta shubmeysa.

 

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Banaadir Dr. C/llaahi Xaashi Kediye ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka in ay Isbitaalka la soo gaaraan dawooyin, si aysan hooyada iyo dhallaanka ku jira ugu dhiman fuuq-bax.

 

Hay’adda MSF-Holland oo dooneysa in ay Isbitaalka dhinaca dawada ka kaalmeyso ayay Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) oo ka mid ah Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha  ee sbitaalka dib u howlgeliyay sheegtay in kaalmada ay bixineyso Hay’addaas ay u xayiran tahay saxiix laga helo Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaraddeeda Caafimaadka.

 

Madiino Janaraal waxay nasiib darro ku tilmaantay in Dawada Fuuq-celinta oo joogta 17,000 Shillin Soomaali ah helitaanka lagu xiro saxiix laga helo wasaaradda Caafimaadka, waxayna ka codsatay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu xil saaran dhinaca Caafimaadka in ay u naxariistaan Caruurta la il-daran Cudurka Shuban Biyoodka.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Ciise Wehliye Maalin oo wax laga weydiiyay eedaha loo soo jeediyay ee ku aadan in ay saxiix u diidan yihiin Hay’adda MSF-Holland ayaa wuxuu sheegay in aysan saxiix u diidin Hay’addaas balse waxa kaliya oo ay Hay’adda warsadeen ay tahay in ay u soo gudbiyaan qorshe howleedyadeeda iyo waxa ay dooneyso in ay qabato.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).