Axad, March 04, 2007(HOL): Madaxdii iyo Wariyayaashii Wargeyska Haatuf ee ka soo bixi jiray Magaalada Hargeysa ayaa la xukumay xabsi u dhaxeeya labo sano ilaa labo sano iyo bar iyo in Wargeyska Haatuf la ganaaxay lacag dhan Shan Milyan oo Shillinka Somaliland ah, kadib markii saakay dacwadooda lagu dhegeystay Deegaanka Mandheera ee Somaliland.
Dacwadda loo heystay Wariyayaashan iyo Mas’uuliyiinta Wargeyskaas oo in muddo ah socotay ayaa waxay la xiriirtay iyadoo uu wargeyska Haatuf uu soo bandhigay musuq-maasuq ay si gaar ah u sameeyeen Qoyska Madaxweyne Daahir Kaahin, wuxuuna ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Somaliland Saciid Maxamuud Obsiiye oo dacwadda ku soo oogay mas’uuliyiinta iyo Wariyayaasha Wargeyska Haatuf sheegay in Wargeyska uu ku kacay Af-lagaado madaxweyne, kicin dadweyne, is-hortaag iyo tah-diid shaqo ciidan.
Laakin Qareenka u doodayay Wariyayaasha iyo Mas’uuliyiinta Wargeyska Haatuf Maxamed Cali Cabdi ayaa sheegay in uusan si cadaalad ah u dhicin xukunka lagu riday Wariyayaashaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan loo ogolaanin in ay is-difaacaan, isla markaana xukunkooda loo cuskaday xeerka ciqaabta.
Mas’uuliyiinta iyo wariyayaasha la xukumay ee Wargeyska Haatuf ayaa waxaa ka mid ah Tifaftihii iyo Guddoomiyihii Wargeyska Cali Cabdi Diini iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, iyadoo sidoo kalena la xukumay Wariyayaasha kala ah Maxamed Cumar Shiikh Ibraahim iyo Maxamed Rashiid Faarax.
Xukunka maanta lagu riday Madaxda iyo Wariyayaasha Wargeyska Haatuf waxaa cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Somaliland iyo Dalladda Ururrada Xuquuqda Aadanaha Somaliland, kuwaasi oo sheegay in ay Xukuumadda Somaliland ku xad-gudubtay Xuquuqda Aadanaha iyo Xoriyatul-Qowlka, waxayna codsadeen in ay Xukuumadda dib uga fiirsato xukunka ay ku riday mas’uuliyiintii iyo Wariyayaashii Wargeyska Haatuf.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia