13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Dayax Madoobaad Xalay laga dareemay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, March 04, 2007(HOL): Xalay saqdii dhexe ayaa mar qura la dareemay in  qeyb ka mid ah dayaxu uu madoobaaday, waxaa markaasi Muqdisho ka bilaawday dukashada salaad ilaah looga baryayo inuu dayaxu sidiisii ku soo laabto.

 

Inta badan dhalinyarada ku nool magaalada ayaa bilaabay inay si raxan raxan ah socod Alle tuug ah ugu soo maraan qeybo ka mid wadooyinka magaalada Muqdisho, waxayna dhalinyaraadasi ku dhawaaqeen takbiir  iyo ducooyin alla tuug ah, kuwaasoo socodka waday ilaa uu Dayaxa sidiisii ku soo noqday. Sidoo kalena masjidyada ayay dadku u carareen si ay ugu oogaan Salaadda la tukado marka uu Dayaxu madoobaado.

 

Dayax madoobaadka ayaa culumada islaamka aaminsan yihiin inuu yahay calaamad mucjiso rabi ah, waxayna ku taliyaan in la dukado Salaad sunno ah oo Alle looga baryayo inuu dayaxu sidii hore ku soo laabto.

 

Dayax madoobaadkaan laga dareemay deegaano badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, hayeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo uu Dayaxu madoobaado.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).