Axad, March 04, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa booqasho rasmi ah waxaa uu ku joogaa dalka Kuweyt, halkaasi oo uu ku tegay casuumaad uu ka helay mas’uuliyiinta dalkaas.
Madaxweynaha oo diyaarad khaas ah ay ka qaaday Magaalada Nairobi ayaa markii uu gaaray dalka Kuweyt waxaa uu kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Kuweyt, kuwaasi oo uu horkacayay Amiirka Dalka Kuweyt Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii ay Dowladaha Carabta, gaar ahaan Dowladda Kuweyt ay u caawin lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Wasiirka Qorsheynta Xuseen Ceelaabe Faahiye, iyo Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Axmed Afrax ayaa la filayaa in ay caawa kulan la qaataan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kuweyt.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa marka uu soo dhameysto socdaalka seddexda cisho ah ee uu ku joogo dalka Kuweyt waxaa la filayaa in uu u soo amba baxo Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ku tegayo martiqaad uu ka helay madaxda dalkaas.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan waxaa uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya, iyadoo kadibna muddo gaaban oo uu joogay Magaalada Baydhabo uu ku dhawaaqay in Dowladda Federaalka ay qabaneyso shirweyne Dib-u-heshiisiineed oo ay ka qeybgelayaan ilaa 3000 ergay, kaasi oo 16-ka Bisha April ee soo socota ka dhici doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online