Sabti, March 03, 2007(HOL): Waxaa bilaabatay maalintii shalay ahayd daad-gureynta Taangiyada iyo Qalabka Mileteri ee ay ku howlgelayaan Ciidamada ka socda Dowladda
Tariinno isku xira Magaalooyinka
Uganda ayaa Soomaaliya u direysa 1,605 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciidamo 8,000 oo askari gaaraya oo Dalalka Midowga Afrika ay sheegeen in ay Soomaaliya u diraan, si loo soo celiyo xasiloonidii ka jiri jirtay 16 sano ka hor.
Dhanka kalena, Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhinaca Qalabka mileteriga ka caawin doonto Dowladda Burundi oo horay u sheegtay in ay 1,700 oo Askari ay u direyso Soomaaliya.
Hadalkan ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu yimid kadib markii ay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ay wada hadal ku yeesheen Wasiirka Gaashaandhigga Burundi Lieutenant-General Germain Niyoyankana iyo Sarkaal sare oo ka socday Mileteriga Mareykanka oo lagu magacaabo General William E. Ward.
General William E. Ward waxaa uu sheegay in ay Dowladda Mareykanka intii karaankeeda ah ka caawin doonto dhinaca Mileteriga Dowladda Burundi,, wuxuuna intaas ku daray in ay Burundi kaalin mug leh ku leedahay nabad ku soo dabaalidda wadamada xasaradaha ka jiraan ee gobolka ku yaala.
Ugu dambeyntiina, Dowladaha Nigeria, Ghana iyo Malawi ayaa iyaguna la filayaa in ay ciidamo u diraan Soomaaliya, iyadoo ay Dowladda Nigeria ay caddeysay in ay Soomaaliya u direyso 850 Askari.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online