13.6 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in aysan Ciidamada Midowga Afrika hub ka dhigis ku sameyn doonin Soomaalida

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, March 02, 2007(HOL): Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee tegaya Soomaaliya aysan sameyn doonin wax hub ka dhigis ah, wuxuuna caddeeyay in howsha ciidamada ay tahay in ay tababaraaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Museveni ayaa intaas ku daray in ay dadka Soomaaliyeed iyaga u taalo in ay hubka iska dhigaan ama heystaan, wuxuuna caddeeyay in aaney Ciidamada Midowga Afrika ee ay u soo horeeyaan kuwa dalkiisa ka socda aysan Soomaalida ku sameyneynin hub ka dhigis xoog ah.

 

“Ma dooneyno in aad faragelin ku sameysaan arrimaha Soomaalida, shaqadiinu waa in aad wax bartaan”ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo khudbad sagootin ah u jeedinayay Ciidamada Dalkiisa ee ku wajahan Dalka Soomaaliya.

 

Dowladda Uganda ayaa dalka Soomaaliya waxay u direysaa 1,500 oo askari oo qeyb ka ah Ciidamo 8,000 oo askari gaaraya oo laga sugay Dalalka Midowga Afrika in ay u diraan Soomaaliya. Maalintii shalay ahaydna waxaa  magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil Mileteri oo ka socday Dowladda Uganda, kuwaasi oo la sheegay in ay u sii gogol xaarayaan Ciidamada Uganda ee tagaya Soomaaliya.

 

Ciidamada Midowga Afrika ee loo dirayo Soomaaliya ayaa wuxuu qorshuhu yahay in ay bedelaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo Dowladda Federaalka ku caawiyay in ay gacanta ku dhigto deegaano dhowr ah oo ay horay uga talin jireen Maxkamadihii Islaamka ee dabayaaqadii sanadkii hore awooddoodii la wiiqay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).