Arbaco, February 28, 2007(HOL): Wafdi ka socda Midowga Afrika oo maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo amba baxeen Magaalada Nairobi ayaa xalay waxay ku hoydeen Magaalada Muqdisho.
Wafdigan oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Foam ayaa markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxay kulamo la qaateen mas;uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ujeedada socdaalka Wafdigan ay ahayd sidii ay ugu sii gogol xaari lahaayeen ciidamada ka socda Midowga Afrika ee dhawaan soo gaaraya Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay booqdeen goobo ay ka mid yihiin Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo hordhac u ah Ciidamada ka imaanaya Midowga Afrika ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda soo gaaraan Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin dad horay u sheegay in ay ka soo horjeedaan Ciidamada Shisheeye ee loo soo dirayo Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho waxaa horay u soo gaaray Wafdi ka socday Midowga Afrika, kaasi oo ay xubno ka ahaayeen khubarro dhinaca mileteriga ah oo qiimeynayay sida ay Ciidamada Midowga Afrika u imaan karaan Soomaaliya ugana howlgeli karaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wadamada Midowga Afrika ku bahoobay oo laga sugayay in ay Ciidamo 8,000 gaaraya ay u diraan Soomaaliya ayaa haatan waxay u muuqdaan kuwo ka cago jiidaya in ay ciidamadaas diraan, waxaana ilaa iyo haatan ciidamo diyaarsan laga hayaa Dowladda Uganda oo kaliya, halka ay jiraan dowlado si cad u sheegay in aysan Ciidamo u direynin Soomaaaliya, balse ay siyaabo kale uga qeybqaadanayaan howlgalka nabadeynta Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online