12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baydhabo ku laabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 27, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dib ugu laabtay fariisinkiisa Magaalada Baydhabo, kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay Dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya oo uu ku tegay socdaal shaqo iyo mid caafimaad.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen garoonka DIyaaradaha Baydhabo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka ayaa waxaa loo gudbiyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halkaasi oo uu Madaxweynaha kula hadlay dadkii soo dhaweeyay.

Madaxweynaha waxaa uu ka waramayay socdaalkii uu ku soo kala bixiyay Dalalka Ingiriiska iyo Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in uu socdaalkiisa si guul leh ku soo dhamaaday, isla markaana uu Magaalada London kula soo kulmay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Ingiriiska. sidoo kalena uu dalka Itoobiya uga soo qeybgalay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ku bahoobay Golaha Iskaashiga Sanca.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in uu dib ka faah faahin doono socdaalkii uu ka soo laabtay waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay soo heshay taageero dhinacyo kala duwan leh, wuxuuse sheegay in Dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka si ay u gudato waajibaadkeeda ku aadan sidii ay u soo celin lahayd nabadgelyadii iyo xasiloonadii dalka Soomaaliya uu lahaan jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).