12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Maamulka Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka Hiiraan oo siyaabo kala duwan uga hadlay Odayaal ku xiran Deegaanka Feer-Feer

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 27, 2007(HOL):Iyadoo muddo ka badan  todobaad ay ku xiran yihiin degmada Feer-feer ee ismaamulka soomaalida Itoobiya odayaal nabad doon ah oo ka tagay Magaalada B/weyn ee xarunta u ah gobalka hiiraan ayaa markii ugu horeysay  waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada odayashaa  Maamulka heer Gobal iyo degmo ee gobalka Hiiraan.

 

Gudoomiyaha Gobalka hiiraan  Xuseen Mux’ed Maalen  ayaa sheegay in markii horeba odayaashu ahaayeen kuwo aan ku bixin amar ka soo baxay dhinaca maamulka laakiin ay iskood isku xil qaameen, waxaana uu intaa ku daray in ay kala hadleen Maamulka Federaalka Itoobiya sidii loo sii deyn lahaa  odayaasha  islamarkaana ay ka aqbaleen sida uu sheegay mas’uuliyiinta maamulka degmada Feer-feer.

 

Laakiin waxaa arintaa ku gacan seyray  Gudoomiyaha maamulka Degmada Axmed Gobey Cawaale oo sheegay dhiniciisa in Odayasha xirini yihiin kuwo ku anba baxay wada tashi iyo waliba ogaal dhinaca maamulka ah,  isagoo intaa sii Raaciyay in maamulka degmada Feer-feer ay ku diideen in laga wada hadlo arinta Odayaasha xir xiran.

 

Wararka is khilaafsan ee maamulka Gobalka hiiraan ayaa bixinaya tuhumo la xiriira in xeraga odayaasha nabad doonka ah ay ka danbeeyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka oo qaar kood sheegay in aysan ku qanacsaney socdaalka odayaasha ee ku aadan joojinta colaada ka taagan deegaanka Baar-magoog.

 

Odayaasha xiran oo gaaraya ilaa 14 oday dhaqmeed ayaa lagu eedeeyay in ay lug buuxda ku leeyihiin colaada ka aloosan deegaanka Baar-magoog iyo waliba in aysan dhax -dhaxaad ka aheyn  arimaha halkaa ka taagan.

 

 

Dhanka kale amaan daro aad u baahasan ayaa soo food saartay dadka safarka ah ee isticmaala watada dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo waliba Gobalada dhexe ee dalka gaar ahaan Gobalka hiiraan.

 

48 saac ee la soo dhaafay falal burcad nimo ah waxaa ugu geeriyooday aga gaarka degmada Buula-burte  4 ruux halka  in ka badan 11 ruuxna  uu dhaawac ka soo gaaray, falalkan ayaa kii ugu xumaa waxaa ku naf-wayay labo haween ah  oo mid ka mid ah la sheegay in sidatay  ilo  labo bilood jir ah, kuwaasoo markii danbe lagu aasay  degmada Gure-ceel  ee Gobalka gal-gaduud, mana jiro ilaa hada talaabo muuqta oo uu maamulku ka qaaday kooxaha burcada ah sida micno la’aanta ah isaga dilaya dadka safarka ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).