Isniin, February 26, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaabow ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay Calamo habeenkii xalay ahaa laga taagay Deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Prof. Dalxa ayaa sheegay in aysan waxba kala soconin Calanka lagu arkay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho sida Shiirkole iyo Tareebuunka, wuxuuna sheegay in Calankaas ciddii suratay iyada laga rabo in ay caddeyso waxa ay ula jeeddo, wuxuuna caddeeyay in Dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin Calanka Buluugga ah ee Shanta gees leh, “Xitaa haddii la suro Muqdisho Calan leh Xiddig Afar gees ah ma ahan mid aan shaqo ku leenahay”ayuu yiri Prof. Dalxa.
Laakin Duqa Magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Calamada xalay la suray xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uuba jeclaan lahaa in Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan la suro, “Dadka Calamada Itoobiya surtay waxay ka wadaan soo dhaweyn ay soo dhaweynayaan Ciidamada Itoobiyaanka, sidoo kalena waxaan ku baaqayaa in ay dadku surtaan Calanka Dowladda Uganda oo Ciidamadooda ay berri imaanayaan Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Cadde Gaabow oo sheegay in Dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya ay yihiin kuwo saaxibo iyo walaalo la ah Soomaaliya.
Habeenkii Xalay ahaa ayaa Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Fagaaraha Tareebuunka waxaa laga taagay Calanka Itoobiya oo dhexda Buluug ka ah, isla markaana leh Xiddigo badan, kaasi oo lagu dhigay Killinka 6aad ee Soomaalida. Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ka carooday Calamadaas oo aan la ogeyn cid halkaas surtay, waxayna dadkaasi markii dambe dhulka soo dhigeen Calamadaas, isla markaana ay jeex jeexeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somali