12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo Saxaafadda ku eedeeyay in ay wax ka waddo nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 26, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa saxaafadda ka howlgasha magaalada Muqdisho waxaa uu ku eedeeyay in ay wax ka wadaan nabadgelyo darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlayay xaflad lagu soo gebagebeynayay tartan Kubadda Kolayga ah oo Muqdisho ku dhamaaday ayaa wuxuu sheegay in saxaafadda Muqdisho ay tahay mid qeyb ka ah nabadgelyo darrada jirta, wuxuuna tilmaamay in ay mar kasta buun buuniyayaan wararka ku saabsan dadka Muqdisho ka qaraxaya iyo madaafiic ay dowladda Federaalka ku rideyso, “Madaafiicda waxay gaari karaan 2 Km, laakin hadalka la sii daayo saxaafadda ee aan wax dhiseynin waxay gaarayaan Qaarad-ka-Qaarad, sidaas darteed waxaan leenahay saxaafadda haka shaqeyso sidii dalka nabad looga dhigi lahaa”ayuu yiri Prof. Dalxa.

Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in wararka ay saxaafadda abuureyso ay ka mid yihiin in dadkii u qaxay Degmada Afgooye ay la soo deristay biyo la’aan daran, isla markaana ay fuustadii biyaha ah ku helaan 20,000 Sh. So ah, “Ma suurtagal baa in Afgooye oo uu maro Webiga Shabeelle in ay Fuusto biyo ah ka gaarto 20 kun Shillin Soomaali ah”ayuu mar kale yiri Prof. Dalxa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu ka codsaday Bahda Saxaafadda in ay Dowladda kala shaqeyso sidii ammaanka Dalka loo sugi lahaa, sidoo kalena ay dhiirigeliyaan Ciidamada Madaniga ah ee ku dadaalaya sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha ka dhex sameynayay falalka Nabadgelyo darrada ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somali

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).