14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Dowladda Kenya oo beenisay in ay Mareykanka iyo Itoobiya ku gacan siisay dagaalladii ay la galeen Xoogaggii Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 26, 2007(HOL): Dowladda Kenya ayaa beenisay warar horay u soo baxay oo sheegayay in Kenya ay ku caawisay Mareykanka iyo Itoobiyaanka dagaalkii ay la galeen Maxkamadihii Islaamka.

 

Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Afred Mutua ayaa sheegay in dowladdiisa aysan cidna ku gacan siinin tallaabo mileteri oo ka dhan ah dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in tallaabada ay Kenya qaadatay ay ahayd in ay xiratay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hor-tagto in ay dalkeeda galaan kooxo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Al-qaacidda,

 

Afred Mutua  waxaa uu sheegay in ay Kenya ku dadaaleyso fududeynta sidii dalka Soomaaliya nabadgelyadiisii loo soo celin lahaa, wuxuuna intaas ku daray in Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada tirsan Urur Goboleedka IGAD uu ka dhaxeeyo xiriir saaxibtinimo iyo mid wax wada qabsi.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday Dagaalkii ay kula jirtay Xoggaggii Maxkamadihii Islaamka waxay ka codsatay Dowladda Kenya in ay xadkeeda xirato, isla markaana ay qab-qabato haddii ay aragto dad ka tirsanaa maxkamadihii Islaamka.

 

Dowladda Kenya codsigaas waa ay ka jawaabtay, waxayna Ciidamada Kenya ku qabteen Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya dad badan oo la sheegay in ay isugu jireen kuwo ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo kale oo tageerayaal u ahaa, waxaana dadkaas la qab-qabtay lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).