Isniin, February 26, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa xalay ilaa saakay waxay howlgallo guryo baaris ah ka wadaan Xaafadaha u dhow Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Labada Ciidan ee ku sugan Xaruntaas ayaa dhawaan waxaa weerar hubeysan ku qaaday kooxo maleeshiyooyin ah oo aad u hubeysnaa, kuwaasi oo aan la aqoonsan heybtooda iyo meel ay weerarka ka soo qaadeen.
Maxamed Xasan Wehliye oo ka mid ah Dadka degan agagaarka Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ka howlgalay xaafaddooda ay calanka Itoobiya sureen meel u dhow Isgoyska Shiirkole, wuxuuna sidoo carrabka ku dhuftay in Ciidamada Soomaalida ah ee Itoobiyaanka la socda marka ay guryaha iyo dadka baarayaan ay ka qaataan taleefoonnada gacan qaadka ah, lacag iyo haddii ay heystaan hubka fudud sida Bastooladaha oo kale.
Laakin warkan ku saabsan in Ciidamada Itoobiyaanka ay calankooda surteen xaafadda Shiirkole waxaa beeniyay Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed), kaasi oo sheegay in warkaasi uu yahay mid la abuurayo oo la doonayo in naceyb iyo qas looga dhex abuuro dadka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Itoobiyaanka.
Dhanka kalena, dad aad u faro badan oo deganaan agagaarka wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa guryahooda ka qaxaya iyagoo ka baqaya in ay waxyeello ka soo gaarto weerarro ay suurtagal tahay in mar kale lagu qaado Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online