Axad, February 25, 2007(HOL): Kadib dagaal dad badani ku dhiteen hada xaalada deegaanka Baar-magoog oo ka tirsan dhulka is maamulka soomaalida ee itoobiya waa mid caadi ku soo laabaneysa kadib markii ay halkaa gaareen ciidamo ka tirsan xukuumada itoobiya oo ku hubeysan gawaarida dagaalka.
Wararka ka soo baxaya goobta dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in sacadihii aynu soo dhaafanay ciidamadu ay soo xir xireen qaar ka mid ah dhinacyadii halkaa ku dagaalamay oo ay ku jiraan sida wararku nagu soo gaarayaan odayaal la sheegay in markii hore halkaa ay u tageen dhax-dhaxaadin lakiin lagu eedeeyay in arimaha dagaalka ay ku lug leeyihiin.
Sidoo kale ciidamada itoobiya ee halkaa ku sugan ayaa wada dadaalo ay qasab gaga dhigayaan dhinacyada is haya in xaalka wada hadal laga furo walow hadana labada dhinac aad moodo in arinkaa ay ka cag jiidayaan, waxaana jira marka arimaha dhinaca kala laga eego wax u muuqda diyaar garaw colaadeed oo ka dhax jira dhinacyada is khilaafsan.
Iyadoo hadaba xaalka deegaanka Baar-magoog uu yahay mid degan ciidamada itoobiyana ay gacanta ku hayaan ayaa hadana wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalo gaadmo ah oo wali u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda lagu dilay ilaa 5 ruux taasoo dhimashada guud ka dhigaysa in ka badan 25 ruux,
Dhanka kale wararka ka soo baxaya degmada Buula-buurte ee Gobalka hiiraan ayaa sheegaya in 9 ruux ay ku dhaawac meen gaari noociisu ahaa (Xaajiyo Khamsiin ) ka dib markii kooxo hubeysani Rasaas la beegsadeen, gaariga ayeey wararku sheegayaan in uu ku sii jeeday dhinca Tuulada lagu Magacaabo (Buqda) oo ka tirsan isla gobalka hiiraan.
Weerarka gaariga lagu qaaday ayaa marka la eego qeyb ka ah amaan darada ka taagan qeybo ka mid ah gobalada dalka oo wixii ka danbeeyay markii laga itaal roonaday midowgii maxkamadaha ay ku soo kordheen kooxo burcad ah oo dhibaato ku haya dadka iyo gaadiidka safarka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online