15.4 C
London
Saturday, October 18, 2025

Yaa Qaadaya Mas’uuliyadda Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Mudqisho?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 20, 2007(HOL): Inskatoo Dowlada federaalku gacanta  ku wada heyso guud ahaan dalka soomaaliya oo xitaa ay ku jirto caasimada muqdisho,  hadana maanta Muqdisho Xaalku ma wanaagsana marka loo eego wax-yaabaha ka dhacaya..

 

Madaafiic culus  oo qaarkood aan horay  u soo marin dhagaha shacabka reer Muqdisho, kuwa laga tuurayo Qoryaha loo yaqaan hoobiyaha,  dhawaac iyo dhimasho dad riyid ah oo aan wax war ah u heyn sababta ay loo dilayo,   iyo waliba cabsi xanbaarsan dareen ku joog  loo soo dirsatay inta ka bad-baaday madaafiicda,  ayeey maata mudisho magan u tahay.

 

waxaana marka aad arimahaa u sii fiirsato mudan in lays weydiiyo su’aalo dhowr ah oo u baahan marka laga jawaabayo in dib loo milicsado taariiqdii dhaweyd la soo maray,  waayo xiligii ay maxkamaduhu ka talinayeen K/dalka soomaaliya waxaan xusid mudan shacabku door wanaagsan  ku lahaa sidii loo hanan lahaa  amaanka guud ee caasimada dalka, taasoo keentay in iskaba daa in la maqlo dhawaaq rasaasta xitaa la waayay kuwa  dadka ka furta hantida ay gaarka u leeyihiin.

 

hadaba su’aasha meesha ku jirtaa waxaa ay tahay mar hadii shacabku yahay furaha nabad-galyo ka hana qaada dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada oo ah muraayada dalka, Maxaa keenay in waqtigan oo ay dowladu maamuleyso caasimada shacabku gacan ugu siin la yahay wax ka qabashada nabad-galyo darida dib iyaga ugu soo laabaneysa” yaase qaadaya  mas’uuliyida Qarxyada dhacay marka la eego dowlada kooxaha aan la garan iyo waliba shacabka.

 

dabcan labadaasi su’aalood waa kuwo jawaabahooda lagu soo koobi karo shacabku kaalin muuqada ayuu ku leeyahay dhibaatada ka taagan magaalada muqdisho, waayo kuwa aan la garan ee weerarada ku qaada xuramaha dowlada waa kuwo mar walba dhix dooda dhibaatada ka geysta,  iyadoo hubaal ay tahay hadii iskaashi ay ka sameeyaan arintaa iyada ah aysan la kulmeen dhibaatada maanta heysata.

 

lakiin mar hadii horay loo ogaaday in dadku nabad-galyada dhalin karo hadana la wada arkayo halka xaal uu marayo, su’aasha kale ee soo baxeysa waxaa ay tahay ” shacabka soomaaliyeed nidaamka dowliga ah amaba kan ururda ma waxaa uu la sheqayn og yahay  kan ururada ” dabcan  haa ” maxaa yeelay  waa kuwo xitaa dhabsanaya howl-galada dowladu ay ku dooneyso in ay ku soo qab-qabato  kuwa dhibaatada geysnaya,   balse waxaa aad u haboon in mar walba shacabku maanka ku hayo  madafcan laga dhax tuuro iyo waliba jawaab ay bixiyaan ciidamada dowlada kuwa ku baa ba’aya in iyaga oo kaliya yihiin,   Ilaah waxaa uu Qoraankiisa ku leeyahay ( Masiibo idin ma taabato Ilaa aad gacmihiin ku kasbataan) sidaa daraadeed waxaa la oran karaa  maata masiibada heysata umada soomaaliyeed waa mid  iyagu gacmahooda ku kas  badeen  islamarkaana ay mas’uuliyadeeda qaadayaan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).