12.6 C
London
Saturday, October 18, 2025

Ban Ki-moon oo ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay wada hadal la gasho Hoggaamiyayaasha Qunyar socodka ah ee Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 20, 2007(HOL): Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed  in uu wada hadallo la furo hoggaamiyayaasha qunyar socodka ah ee ku jira Maxkamadihii Islaamka ee awooddoodii la wiiqay dabayaaqadii sanadkii hore.

 

Mr. Ban Ki-moon waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay la yimaadaan hannaan saamixi kara in ay Dowladda wada hadallo la gasho cid kasta oo ka soo horjeeda, wuxuuna ka digay in aysan Dowladda Federaalka sidaas yeelin oo ay albaabada ka laabato dadka ka soo horjeeda.

 

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ay Dowladda Federaalka la hadasho Hoggaamiyayaasha Siyaasadda, kuwa Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo cid kasta oo muhiim u ah Xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya.

 

Ban Ki-moon wuxuu sheegay in ay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed dhawaan isku arkeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, xili uu halkaas ka socday shir ay lahaayeen madax ka socotay Dalalka ku bahoobay Ururka Midowga Afrika, wuxuuna caddeeyay in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u gudbiyay talo la mid ah baaqa uu haatan u jeedinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Baaq midkan la mid ah ayaa horay Dowladda Federaalka waxaa ugu jeediyay Hoggaamiyayaal heer Gobol ah iyo kuwo heer Caalami ah, inkastoo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ay u muuqdaan kuwo aan dooneyn in ay wada hadal la galaan mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka, wuxuuna Madaxweyne C/llaahi Yuusuf dhawaan sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka uu yahay mid ay isku soo horfariisanayaan Qabaa’illada Soomaalida ee dagaalamay, si ay isu cafiyaan, laakin uusan shirkaas noqon doonin mid ay isku soo hor-fariisan doonaan Dowladda Federaalka iyo Ururro ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).