12.6 C
London
Saturday, October 18, 2025

Duqa Magaalada Muqdisho oo wax laga xumaado ku tilmaamay duqeyntii xalay Muqdisho ka dhacday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 20, 2007(HOL): Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) oo ka hadlay duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad rayid ah madaafiic lagu garaaco, walow uu carrabka ku dhuftay in ay weerarradaas ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda nabadgelyada Gobolka Banaadir.

 

Cadde Gaabow waxaa uu ku tilmaamay duqeyntii xalay mid dhaawaceysa Midnimada Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladnimada la hiigsanayo, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii duqeyntaas ku geeriyooday.

 

Duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ka soo horjeedo in dad rayid ah la laayo, isla markaana la bara-kiciyo Caruur iyo Haween aan waxba galabsan.

 

Cadde Gaabow waxaa uu ka  gaabsaday in uu wax ka yiraahdo wararka sheegaya in madaafiicdii xalay lagu weeraray xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ay ka soo dhaceen qaar ka mid ah fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.

 

Si xaaladdan ku soo korortay Magaalada Muqdisho wax looga qabto ayuu sheegay Cadde Gaabow in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Dowladda, isla markaana ay sheegaan kooxaha nabadgelyo-darrada ka dambeeya, dhawaan ayuuna sheegay in ay qaban doonaan shir arrimahaas looga hadlayo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka madaafiicda waa weyn ee ay tuurayaan ay yihiin kuwo lagu kalifayo bacdamaa mar kasta oo ay madaafiicdan soo tuurayaan ay ka jawaabayaan madaaafiic kale oo lagu ganay, sidaas darteed dadka ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqdisho ee ay waxyeelada ka soo gaareyso madaafiicda ayaa waxaa la gudboon in ay ka  hortagaan oo ay iska celiyaan kooxaha dhexdooda madaafiicda uga tuura fariisimada Ciidamada is-biirsaday ee Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).