Isniin,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheer) ayaa sheegay in hataan ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Madaniga xaafadaha ay ku howlan yihiin howlo amni sugid ah, balse maalmaha soo socda la sii laba laabi doono howlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha nabadgelyo darrada sameynaya.
“Qaabka nabadgelyada lagu soo celin karo waa Shacabka iyo Ciidamada Madaniga oo dowladda la shaqeeya ah, haatanna iskaashigaas waa jiraa, meel wanaagsan ayuuna marayaa”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo maanta ka hadlayay xaflad xariga looga jarayay Xafiis ay yeelan doonto Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo ay dhawaan howlgelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in ay Dowladda gacanta ku heyso qorshe ammaanka lagu sugayo, kaasi oo uu caddeeyay in uu yahay mid aan dhibaato ka soo gaari doonin shacabka, wuxuuna intaas ku daray in uu dhawaan meesha ka bixi doono saluugga ay ka muujinayaan waxqabadka Dowladda ee dhinaca amni sugidda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku howlan tahay wax ka qabashada xaalad ammaan darro oo maalmihii tegay ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho, iyadoo nabadgelyo darradaasna ay dowladda ku eedeysay kooxo ay sheegtay in ay ka hareen Maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com