12.9 C
London
Saturday, October 18, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka oo qabtay Dhuxul la doonayay in Dibadda loo dhoofiyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 18, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa gacanta ku dhigay gaadiid ay ku rarneyd dhuxul aad u tiro badan oo la doonayay in laga dhoofiyo Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan oo ay ku xiran yihiin labo doomood oo la doonayo in dhuxul lagu raro. Ciidamadan qabtay gaadiidka dhuxusha waday ayaa waxay fulinayeen wareegto uu dhawaan soo saaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, taasi oo lagu mamnuucayay dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta.

 

Gaadiidkan dhuxusha waday ayaa la sheegay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka qabteen Deegaanka Galgalato ee Bariga Magaalada Muqdisho, lamana yaqaano ilaa iyo haatan meel ay Ciidamadu la aadeen gaadiidka dhuxusha ay ku rarneyd ee ay qabteen.

 

Dekedaha Dabiiciga ah ee Ceel Macaan, Ceel Cadde, Marka iyo Baraawe ayaa waxaa laga dhoofin jiray dhuxul laga shiday Geedo laga soo jaray Dhulka Keymaha ah ee ku yaala Koofurta Soomaaliya, tan iyo burburkii Dowladdii horena ma jirin maamul wax ka qabtay, marka laga reebo Maamulkii Maxkamadihii Islaamka oo isku dayay in ay wax ka qabtaan iyo Dowladda Federaalka oo haatan wareegto ka soo saartay.

 

Dhanka kalena, Maareeyaha Dekedda weyn ee Muqdisho Cabdi Jiinow oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dekedda Dabiiciga ah ee Ceel Macaan ay xiran tahay, isagoo uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay isticmaalaan Dekeddaas, isagoo tilmaamay in ciddii dooneysa in ay wax dhoofsato ama la soo degto ay isticmaali karto Dekedda weyn ee Muqdisho.

 

Cabdi Jiinow waxaa uu sheegay in ay la socdaan in ay Dekedda Ceel Macaan ku xiran yihiin Dooman la doonayo in lagu raro dhuxul dibadda loo iib geynayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ganacsatadaas gacanta kula jiraan ganacsi sharci darro ah maadaama uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf soo saaray wareegto lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha, si looga hortago xaaluf iyo nabaad-guur ku yimaada dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).