12.9 C
London
Saturday, October 18, 2025

Qarax iyo Dil Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 18, 2007(HOL): Afar ruux oo saarnaa gaari TOYOTA Carola ah ayaa gebi ahaantood geriyooday kadib markii uu qarxay gaariga ay saarnaayeen oo marayay Wada Janaraal Daa’uud, gaar ahaan Albaabka Bari ee Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay wixii dhaliyay qaraxaas, waxayna dadka qaarkood sheegeen in waxa qarxay ay saarnaayeen gaariga, halka dad kalena ay ku doodayaan in uusan gaariga qarxin ee  la qarxiyay, isla markaana uu waxyaabo qarxa ku tuuray gaari Mini Bus ah oo soo dhinac maray markii uu qarxay kadib.

 

Ma jirto cid xaqiijin karta wixii sababay qaraxaas, waxaana daqiiqado kadib goobtii qaraxa ku soo xoomay dadweyne aad u faro badan oo doonayay in arkaan sida ay noqdeen gaariga iyo dadka saarnaa oo isku shiilmay. lama sheegin dad ku dhaawacmay qaraxaas, waxaanse la ogeyn in ay dhaawacyo sababeen albaabadii gaariga qarxay iyo  birihii ku xirnaa oo xaafadaha ku firiray.

 

Dhanka kalena Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa geeriyooday mid kalena waa uu dhaawacmay kadib markii ay agagaarka Ceymiska ee Wadada Warshadaha ay ku weerareen Rag hubeysan oo watay Gaari Toyota Surf ah, waxayna wararku sheegayaan in Ciidamada la weeraray ay saarnaayeen gaari TAXI ah.

 

Askariga dhintay ayaa in cabaar ah wuxuu yaalay halka lagu dilay, isla markaana ay dadku daawanayeen, halka midka dhaawacmayna ay qaadeen dadka deegaanka kadib markii uu ku cataabay, iyadoo sidoo kalena uu Darawalkii TAXI-ga uu xaafadaha u dhow Ceymiska ku dhex cararay isagoo dhaawac ah.

 

Muqdisho beryahan xaalkeeda waa sida Ciraaq oo kale, waxaana ka dhaca weeraro gaadmo ah oo lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, inkastoo Dowladda Federaalka ay isku dayeyso in ay maaro u hesho weerarrada ay fariisimadeeda ku qaadayaan Kooxaha ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).