12.9 C
London
Saturday, October 18, 2025

Dowladaha Yemen iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xal u helidda Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, Febraayo 18, 2007(HOL): Madaxweyne ku xigeenka Dalka Yemen Abdu Rabu Mansour Hadi iyo Madaxweynaha Dowladda Itoobiya  Girma Woldegiorgis oo booqasho ku jooga dalka Yemen ayaa waxay ka wada hadleen Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo arrimo khuseeya dalalkooda.

 

Labadan mas’uuliyiin ayaa waxay isla soo qaadeen sidii looga shaqeyn lahaa xasilooni  ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in nabad ka dhalata ay dan ugu weyn ugu jirto labada dal ee Yemen  iyo Itoobiya, wuxuuna madaxweynaha Itoobiya uu sheegay in loo baahan yahay in ay labada dal si wadajir ah uga shaqeeyaan soo celinta nabadgelyadii iyo xasiloonidii Soomaaliya.

 

Madaxweyne ku xigeenka Yemen Abdu Rabu Mansour Hadi ayaa sheegay in xal u helidda mushkiladda dalka Soomaaliya looga hadli doono shir ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku yeelan doonaan madaxda dalalka ku bahoobay Isbaheysiga Sanca kaasi oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.

 

Intaas kadib waxay labada mas’uul ka wada hadleen arrimo ku saabsan kobcinta dhaqaalaha labada dal iyo weliba xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya, wuxuuna madaxweynaha Itoobiya Mr. Girma Woldegiorgis uu uga mahadceliyay mas’uuliyiinta  iyo shacabka Yemen  sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

 

Dowladaha Yemen iyo Itoobiya ayaa si muuqata waxay ugu lug leeyihiin arrimaha Dalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Yemen taageero Mileteri horay u siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Dowladda Itoobiya ay iyaduna haatan Ciidamo ku taageereyso Dowladda Federaalka si ay gacanta ugu dhigto guud ahaan Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).