13.4 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Magaalada Kismaayo oo xalay Bandow ku jirtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 12, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay xalay magaaladaas bandow ku jirtay, iyadoo bandowgaasna ay soo rogeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

 

Sababta bandowgaas loogu soo rogay Magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay mid lagu sugayo ammaanka, waxaana xalay gudaha Magaalada lagu arkayay Ciidamo ka tirsan dowladda oo dadka ku amrayay in ay dhaqsi guryahooda u galaan, iyagoo dadka leh goobaha ganacsigana farayay in ay albaabada u laaabaan goobahooda ganacsiga.

 

Bandowgan lagu soo rogay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu yimid kadib markii maalintii shalay ahayd uu Magaaladaas ka dhacay Qarax Bambo oo sababay dhimashada shan ruux iyo dhaawac tiro badan oo ay ku jireen Saraakiil Ciidan oo  ka tirsan Dowaldda Federaalka.

 

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda magaalada Kismaayo xili halkaas lagu soo dhaweynayay Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo horkacayay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdi Mahdi C/salaan oo isagu ka yimid Degmada Af-madow ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Saraakiisha ku dhaawacantay Qaraxaas  ayaa waxaa ka mid ah Jen. Axmed Maxamuud Muuse Cowl, Col. C/llaahi Shiikh Ismaaciil Far-taag, C/llaahi Indho-Qamro iyo C/llaahi Baariyow oo dhawaan loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Magaalada Kismaayo.

 

Dhanka kalena, wararka naga soo gaaraya isla magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in saraakiishii dhaawacantay iyo dad rayid ah oo dhaawacooda uu darnaa loo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasi oo Isbitaal laga dhigay, iyadoo warar aanu ka helnay magaalada Baydhabo-na ay sheegayaan in qaar ka mid ah Saraakiishaas loo duulin doono Magaalada Nairobi, si loogu soo daweeyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).