13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay ku dhaawacmeen Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 11, 2007(HOL): Qaraxan oo ahaa bambo gacmeed ayaa waxaa uu ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Kismaayo, xili ay halkaas ku sugnaayeen Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay halkaas joogeen dadweyne aad u fara badan oo dhegeysanayay qudbooyinka qaar ka mid ah Saraakiishaas.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu qaraxaasi sababay dhimashada afar ruux oo isugu jiray Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba afar ruux oo rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah saraakiishii isugu tegay fagaaraha Beerta Xoriyadda iyo weliba dadweynihii soo dhaweynayay.

Saraakiisha dhaawaca soo gaaray ayaa laga xusay Abaanduulaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Cabdi Mahdi C/salaan, Taliyaha Ciidamad Booliska 6 gobol oo ka tirsan Koofurta Soomaaliya Jen. Axmed Maxamuud Muuse Cowl, Abaanduulaha CIidamad Gobollada Jubbooyinka, Aadan Goonjaar, Col. Aadan Koronto, C/llaahi Indho- Qamro iyo Col. C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag), waxayna dhaawacyadooda isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay dhaawacyo soo gaareen Oday dhaqameedyo iyo xubno ka tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba oo isu imaatinka ka qeybgalay.

Taliyaha Qeybta koowaad ee Ciidamada Dowladda Federaalka Col. C/risaaq Af-gaduud oo qaraxaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay qaraxaasi ka dambeeyeen kooxo ka haray Maxkamadihii Islaamka ee isaga tegay Gobollada Jubbooyinka, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda Federaalka baaris ku sameyn doonto, isagoo carrabka ku dhuftay in ay haatanba dad u soo qab-qabteen dhacdadaas.

Isu imaatinka ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Magaalada Kismaayo ee qaraxa uu kala diray ayaa lagu soo dhaweynayay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil la socotay oo ka yimid Degmada Af-Madow ee isla Gobolka Jubbada Hoose. Qaraxan ay ku dhinteen afarta ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeen dadka aadka u faro badan ayaa wuxuu yahay midkii ugu horeeyay oo magaalada Kismaayo ka dhaca, isla markaana ay waxyeelo ka soo gaarto dad intaas la eg.

Magaalada Kismaayo oo haatan ay ku wada sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya ayaa horay loogu weeraray Askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka adeeganayay Suuqa Magaalada Kismaayo, waxaana weerarkaas ku dhintay hal askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, wuxuuna weerarkaasi sida muuqata tijaabo u ahaa in ay kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay weerarro geysan karaan.

Deegaanadii ay ka tageen Maxkamadihii Islaamka ayaa waxaa ka soo abuurmaya kooxo muqaawamo ah oo weerro gaadmo ah la beegsanaya fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba xarumaha ay degan yihiin Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, waxayna kooxahaas ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay weerarro ka wadaan Magaalada Muqdisho, iyadoo weeraradaas oo habeenadii la qaadi jiray ay haatan isu bedeleen maalinta cad, inkastoo ay Dowladda Federaalka sheegeyso in ay ka hortegeyso Kooxahaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).