13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Wejigii ugu dambeeyay ee Dib-u-heshiisiinta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ka bilowday Magaalada Cadaado

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 11, 2007(HOL): Waxaa maalintii shalay ahayd  ka furmay magaalada Cadaado shirkii dib-u-heshiisiinta ahaa ee Goboladda Mudug iyo Gal-gaduud. Shirkan oo isagu soo socday mudo ka badan sideed bilood ayaa hakad galay kadib dagaaladii ka dhacay deegaanka dhulka dabayaaqadii sanadkii tagay.

 

Shirkan oo ah mid ay isugu yimaadeen dad odoyaal ah ee ka tirsan laba beelood ee Sacad iyo Saleebaan ayaa waxaa si toos ah loogaga xaajoon doonaa arimaha sida tooska u taabanaya dadka ku dhaqan deegaanka.

 

Shirkaan waxaa soo abaabulay fududeynayana Xarunta  Cilimi Baarista iyo wada tashiga  ee CRD. Waxana qaybihisii hore kaalmo buuxda ka gaystay , mas’uuloiyiin ka tirsan doowladda ku meel gaarka ah. Shirkaan oo ay ka soo qayb-galeen dadka ka badan 120 qof ayaa inta uu socda waxaa lagu falaqayn doonaa qodoba dhowr ah oo ka harsan dib-u-heshiisiintii  mududa soo socatay, waxaana uga weyn (1) Dadkii laba beelood iska dileen, (2) hantida la kala haysto, (3) dhulka la wada degan yhaya iyo sidii loo qaybsan lahaa.

 

Dadka deegaanka reer Cadaado ayaa si diiran u soo dhaweeyay shirka iyo habsmi u socodkiisa. Waxaa maalintii shalay ahayd la doortay shir-gudoon, Gudiga xaldoonka, iyo Gudiga maamulka shirka.

 

Gabagabada shirkaan ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhim u ahaan doono dadka ku dhaqan deeganka. Sidoo kale waxaa ay noqon doontaa markii ugu horeeysay oo dad si ba’an isugu dilay dagaal daba dheeraaaday in uu heshiis waara uu dhex maro.

 

Ma aha markii ugu horeeysay oo ay Xarunta Cilmi-Baarista iyo Wada Tashiga, ee CRD ay  heshiisiisay qabiilo ku dagaalamay degaano ka tirsan Somalia. Xaruntu waxaa ay dhawaan soo gaba-gabaysay dib-u heshiisiin ka dhecday deegaanada , Beerxaano, Hiiraan, iyo Qaybo ka tirsan gobolka Bakool.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).