13 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Weerarro Madaafiic loo adeegsaday oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 10, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay weerarro madaafiic loo adeegsaday oo qaarkood lala beegsaday garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Hotelka Kaah oo uu maalmahan uu ka socday Seminaar ku saabsan dib u heshiisiinta oo uu soo qaban qaabiyay Guddiga Dib u heshisiinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

Hotelka Kaah ayaa kooxo ku hubeysan Buusakayaal waxay ku rideen ilaa 4 gantaal, waxaana xiliga Hotelka la weerarayay ka socday Seminaar lagu baranayay Dib u heshiisiinta, isla markaana loogu gogol xaarayay shir dib u heshiisiin ah oo ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgelayeen ilaa 200 oo erygay oo ka kala socday Bulshada qeybaheeda kala duwan.

 

Lama sheegin cid ergooyinkaas ka tirsan oo uu weerarkaas wax ka soo gaaray, hayeeshee waxaa ku dhimatay gabar joogtay banaanka Hotelka, taasi oo u geeriyootay firir ka soo gaaray madaafiicdii Hotelka lagu dhuftay. Ma suurtagelin in gacanta lagu dhigo kooxihii weerarka soo qaaday, waxaana la sheegay in ay u baxsadeen dhinaca Xaafad loo bixiyay Al-Cadaala oo Hotelkaas dhanka Bariga kaga toosan, isla markaana ah mid aaney dad deganeyn.

 

Haddaba markii uu weerarkaas dhacay kadib ayaa waxaa xaafado dhowr ah oo Muqdisho ku yaala waxaa ku dhacay Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen agagaarka Wasaaraddii Arrimaha Dibadda, Nawaaxiga Isbitaalka Banaadir, meel u dhow Garoonka DIyaaradaha Muqdisho iyo Xarunta Kuliyaddii Jaalle Siyaad.

 

Madaafiicda ku dhacday agagaarka Wasaaradii Arrimaha Dibadda ayaa waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad Zenzibariyiin ah oo halkaasi qaxooti ahaan u deganaa, halka Madfaca ku dhacay Xarunta Kuliyaddii Jaalle Siyaad-na uu sababay dhimashada hal ruux, iyadoo warar naga soo gaaray Suuqa Xoolahana ay sheegayaan in uu Madfac ku dhacay ay gabar yar ku dhimatay, isla markaana ay seddex ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay weerarrada ka socda magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan kooxo argagixiso ah oo ka soo horjeeda nabadda, wuxuuna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle uu sheegay in ay kooxo nabadda ka soo horjeeda ay weerar ku qaadeen Hotelka Kaah, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ay kooxahaas ceyrsadeen.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in inta ay kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada ay wadaan weerarada uusan jiri doonin shir dib u heshiisiineed oo ay qabaneyso Dowladda Federaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Caalamka u sheegayaan in ay marka hore tallaabo ka qaadayaan kooxahaas dhibaatooyinka geysanaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).