Sabti, February10, 2007(HOL): Kooxda la baxday Kooxda Xiriirka Soomaalida oo shir ku yeeshay magaalada Darusalaam ee dalka
Kooxda Xiriirka Soomaalida oo ka kooban Diblumaasiyiin Reer Galbeed iyo Afrikaan ah ayaa waxay sidoo kale ku baaqeen in la qabto shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeybgelayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Tanzania Mr. Bernard Membe oo wax ka shir guddoominayay shirkii ay Kooxda Xiriirka Soomaalida ku yeesheen dalkiisa ayaa sheegay in ay Beesha Caalamka dhaqaale ku bixin doonto dalalka Ciidamada u diraya Soomaaliy, isagoo caddeeyay in Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ay yihiin kuwo muhiim u ah dib u soo celinta xasiloonidii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer ayaa sheegtay in ay dowladdeeda diyaar u tahay in ay bixiso dhaqaale ay horay ugu ballanqaaday Soomaaliya oo dhan 40 Milyan oo Doollaar, balse waxay xustay in loo baahan yahay in la sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta Soomaaliya, iyadoo intaas ku sii dartay in xasilooni loo helo Magaalada Muqdisho oo beryahan qasan ay u fure u tahay xasiloonida dalka Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika.
Ilaa iyo haatan Dalalka Midowga Afrika oo laga doonayay ilaa 8,000 oo ciidamo ah oo ka howlgalaya Soomaaliya ayaa laga hayaa 4,000 oo Askari oo 1,500 oo ka mid ah ay haatan diyaar la tahay Dowladda
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online