Sabti, February10, 2007(HOL): Hotelka Global oo ku yaala Magaalada Muqdisho, isla markaana ka mid ah Hotellada ay degan yihiin mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa xalay lagu weeraray rasaas ka dhaceysay Qoryaha Baasuukaha loo yaqaano iyo weliba kuwa fudud.
Weerarkaas cidna wax kuma noqon, marka laga reebo in uu bur bur soo gaaray daba labaad ee Hotelka oo ay ku dhaceen dhowr saalbo oo Baasuuke ah, hayeeshee waxaa xiliga la weerarayay Hotelka ku sugnaa oo uu shir uga socday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Saakay ayaa nawaaxiga Hotelka Global waxaa lagu arkayay Ciidamo aad u tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo sugayay ammaanka Hotelka, isla markaana si gaar ah ula socday dhaqdhaqaaqyada gaadiidka maraya nawaaxiga Hotelka oo ah mid ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Hotello kale oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa horay weeraro loogu qaaday, kuwaasi oo ay deganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, wuxuuna weerarkii xalay ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay ahayd ay Magaalada Muqdisho ka sheegatay Weerarada lagu qaado Hotellada Koox la magac baxday Kooxda Muqaawamada Shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Muqdisho maalin kasta marka ay qaraxdu dhacdo waxaa dadka u bilaabato cabsi ah goobta lagu qaadi doono weerarka xiga ee ka dhanka ah fariismada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah iyo weliba xarumaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online