10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Sidee looga arkaa gudaha Gobolka Hiiraan Qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 08, 2007(HOL): Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay is badashay siyaada dalka islamarkaana dowlada federaalku awoodeeda ku balaarisay guud ahaan Gobalada dalka oo ay ka mid tahay Caasimada muqdisho dadka soomaaliyeed  waxaa ay ahaayeen kuwo siweyn isha ugu haya dhaq-dhaqaaqyada jira  iyo waliba sida wax isku badalayaan.

 

Marka aad eegto Gobalka Hiiraan oo ka mid ah goobaha ay gacanta ku heyso dowlada federaalka dadka ku dhaqan maal mihii ugu danbeeyay waxaa ay ahaayeen kuwo  siweyn u hadal haya wararka ka soo baxaya caasimada muqdisho oo hada goob ay dowladu maamusho.

 

marka aad booqato  meelaha dadku ku badan yahay sida  goobaha lagu fadhi ku diriro, iyo waliba xitaa baabuurta BLka ah ee dadku isticmaalo waxaa dhagahaaga ku soo dhacaya Erayo dhamaantood cabiraya wax yaabaha ka dhax socda Caasimada Dalka oo dad badani u arkayaan kuwo aan Qurux badneyn marka laga eego dhanka nabad-galyada.

 

Hayeeshee  hadana doodaha dadka dhax-maraya ayaa ah kuwo lagu kala qeybsamo mar marka qaar, gaar ahaan sida wax looga qabanayo arintaa iyada ah, Tusaale ahaan Qaar ka mid ah  kuwa sida weyn arintan ugu dhuun-daloola ayaa kuu sheegaya  in dowladu ka gaabisay marikii horeba wax ka qabashada arimaha nabad-galyada gaar ahaan markii ay la wareegtay caasimada muqdisho iyaga oo ku dhaliilaya dowlada ay yareysatay  kuwa wali ku sii harsan gudaha muqdisho ee hubku gacanta ugu jiro, iyaga oo tusaale u soo qaadanaya in Midowgii maxkamadaha ee mudada 6 bilood ah maamulayay K/soomaaliya ay adeegsadeen xoog si loo soo celiyo nabad-galyada,  waana tan keentay ayeey leeyihiin in arimuhu xasilaan.

 

Laakiin doodaa ma’aha mid laysla qabo, gaar ahaan qodobka ku saabsan in dowladu ka gaabisay arinta la xiriirta wax ka qabashada nabad-galyada,  waxeyna dadka fikirkaa qaba  kuu sheegayaan in Dowladu mar walba arimaha u maamuleyso sidii dowlad wax u maamuli jirtay, balse aan loo baahneyn in markiiba shacabka la jajuubo taasoo ay ku eedeynayaan in ay sameeyeen Maxkamadihii la wiiqay,  waxaana ay intaa ku darayaan in  kooxaha hada sameynaya Qaraxyada yihiin kuwa waliba hubku gacantooda ku sii harsan yahay  laguna raad jooga sidii looga wareejin lahaa.

 

Figradaha iska hor imanaya ee la kala aamin san yahay ayaa waxaa bar bar socda  Qaar ka mid ah shacabka oo ay HOL u guur-gashay in ay qabaan in wax yaabaha taagan oo dhan aan xal loo heli karin Ilaa arimaha gunta hoose laga soo tolo, taasoo macnaheedu noqonayo in la bilaabo dib u hishiisiin laga wada qeyb-galo  laguna xalilayo wax yaabaha soomaalidu kala tirsaneyso,  waxaana jirta dhaliil xitaa loo jeedinayo Qaabka hada dib u hishiisiintu u socto waayo ayeey leeyihiin dadka fikirkani qaba dowladu wali ma’ogola in  arimaha dib u hishiisiinta laga qeyb-galiyo xubnaha ka tirsan Maxkamadihii bur buray oo la oran karo waa laga yaabaa in ay lug ku leeyihiin wax yaabaha hada ka dhacaya caasimada muqdisho,

 

Qiimeyntan ay HOL ku sameysay Fikirka dadka ku dhaqan Gobalka Hiraan gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalada B/weyn, ayaa waxaa xusid mudan in ay muujineyso sida dadku wali siyaasad ahaan ugu kala qeyb-san yahay watada loo maryo xasilinta Dalka gaar ahaan Caasimada,  waxaana taa ay ka dhalatay ayaa la oran karaa shacabka oo noqoday 16kii sano ee la soo dhaafay kuwo la kala safan hadba  kooxihii iyo waliba siyaasiyiintii marba majaraha u hayay  siyaasada dalka oo ay ugu danbeeyeen kuwii maxkamadaha, lakiin dhabtu waxaa ay tahay in cid kasta oo hadashaahi aad ka dhan-dhansan karto sida loogu aaman yahay nabad-galyo mar uun la helo  maadaama la soo maray sanado  dadku magan u noqday colaado iyo jahwareer baday in ay magan u noqdaan dalal shisheeye.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).