10.9 C
London
Wednesday, October 15, 2025

Muqdisho iyo Weerarrada Habeenkii ee Madaafiicda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, February 08, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho habeen kasta waxaa ka dhacaya Qaraxyo iyo madaafiic aan loo meel dayeynin oo lagu ridayo qaar ka mid ah Xaafadaha Muqdisho, iyadoo xalay oo ugu dambeysayna dhowr xaafadood madaafiic lagu garaacay.

 

Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan Madfac ku dhacay waxaa uu sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawac labo ruux oo kale. Madfac kale oo ku dhacay nawaaxiga xeradii Hangashta oo Dekedda Muqdisho u dhowna waxaa uu sababay dhaawaca seddex ruux.

 

Hotellada Kaah iyo Lafweyn oo Muqdisho ku yaala ayaa iyaguna Madaafiic lagu weeraray, inkastoo madaafiicdii lagu riday aaney wax khasaare ah sababin, sida ay noo xaqiijiyeen dad degan nawaaxiga Hotelladaas.

 

Wasiir ku xigeenka Gaanshaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in madaaafiicda ku dhacday Xeradii Hangashta laga soo tuuray Dhabarka dambe ee Isbitaalka Xoogga, sidoo kalena Madaafiicda lagu dhuftay Hotellada Kaah iyo Lafweyn laga soo tuuray sida uu u yiri dhinaca Degmada Huriwaa.

 

Laakin Dadka degan Xaafadda Al-Baraka, gaar ahaan kuwa deriska la ah gurigii uu xalay Madfaca ku dhacaya ayaa waxay aaminsan yihiin in madfaca xaafaddooda ku soo dhacay laga soo tuuray dhinaca Siligga Ameerikaanka iyo Xeradii Asluubta, halkaasi oo ay ku tuhmayaan Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwo Dowladda Federaalka ka amar qaata.

 

Axmed Xasan oo ka mid ah Dadka deriska la ah Reerkii uu xalay Madfaca kula dhacay Xaafadda Al-Baraka ayaa sheegay in Madfaca ku soo dhacay uu ahaa mid aad u xoog badnaa oo aaney Soomaalida heysan, wuxuuna intaas ku daray in uu maleynayo in hal qori laga soo tuuray Madfacii xalay ku dhacay Xaafadooda iyo madfac kale oo todobaadkii hore ku dhacay guri aan wax badan u jirin isla meesha uu xalay ku dhacay.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho Maalmahan xaalkeeda caadi ma ahan, nabadgelyo la isku haleyn karana kama jirto, waxaa ka dhaca dilal isugu jira kuwo qorsheysan oo lala beegsanayo dad ku jira Dowladda Federaalka iyo kuwo ka tirsanaa amaba taageersanaa maxkamadihii Islaamka iyo dilal kale oo ay geystaan kooxo dadka dhaca., waxaa soo wehliya dilalkaas Qaraxyo ay fuliyaan kooxo aan la heyb aqoonsan, kuwaasi oo beegsada inta badan fariisimada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, walow inta badan madaafiicda ay tuuraan ay ku dhuftaan guryo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).