Talaado, February 07, 2007(HOL):Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa ku howlan howlgelinta qeyb ku hadli doonta Afka Soomaaliga, taasi oo laga dhegeysan karo mowjadaha gaa-gaaban, tan AM-ka iyo FM-yo laga xusay Idaacadda Capital Voice ee magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Yabarow oo ka mid ah Tifaftirayaasha Laantan Afka Soomaaliga ku hadli doonta ee VOA-da ayaa sheegay in hawada toos u soo geli doonaan Isniinta soo socota oo bisha Febraayo ay ku beegan tahay 12, wuxuuna caddeeyay C/raxmaan Yabarow in Idaacaddani ay tahay mid baahin doonta warar iyo barnaamijyo khuseeya Soomaalida.
C/raxmaan Yabarow waxaa uu intaas ku daray in Idaacadani ay tahay mid xor ah oo aan ku hadli doonin codka Mareykanka, bacdamaa ay dad badan sidaas u arki karaan marka ay eegaan magaca ay Idaacadda ku howlgeleyso.
Idaacadda VOA oo la aas aasay sanadkii 1942-kii waxay baahisaa warar, warbixinno, barnaamijyo ku saabsan waxbarashada, dhaqanka iyo kuwo kale, waxayna leedahay dhegeystayaal lagu qiyaasay 115 Milyan oo dad ah oo Adduunka dacalladiisa ku nool, iyadoo barnaamijyada ka baxa lagu baahiyo ilaa 44 Luuqadood.
Waa markii labaad oo ay Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ay hawada soo geliso qeyb Afka Soomaaliga ku hadleysa, waxayna horay hawada u soo gashay intii u dhaxeysay sanadihii 1992-kii iyo 1994-kii, xiligaas oo ay dalka Soomaaliya ku sugnaayeen Ciidamo Mareykan ah oo dagaal kula jiray Xoogag uu horkacayay marxuum Jen. Maxamed Faarax Caydiid.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online