Isniin, February 05, 2007(HOL): Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa saakay ka furmay Hotelka KAAH ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen xubno ka socday Bulshada qeybaheeda kala duwan oo tiradoodu ay gaareysay ilaa 200 oo ruux.
Ka qeybgalayaasha Kulankan ayaa muddo todobaad ah waxay ka doodi doonaan qaabka dib u heshiisiin loogu qaban karo Soomaalida, sida hub ka dhigis loogu sameyn karo maleeshiyooyinka Soomaalida iyo weliba halka ay salka ku heyso colaadda Soomaalida dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan.
Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse ayaa sheegay in Kulankan uu socon doono muddo todobaad ah, isla markaana ay ka qeybgalayaasha uga doodi doonaan sidii dib u heshiisiin loogu qaban lahaa Soomaalida, sida hubka la isaga dhigi lahaa, sida wacyigelin nabadeed loogu sameyn dadka Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo ka soo dhex bixi doona doodaha ka qeybgalayaasha oo iyagu ka kala yimid bulshada qeybaheeda kala duwan.
Furitaankii kulankan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo weliba xubno ka socday UN-ka, kuwaasi oo uu horkacayay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya Mr. Eric Laroche.
Mr. Eric Laroche iyo xubnihii la socday ee shirka ka qeybgalay ayaa waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin ay taageero dhaqaale ku bixiyaan dib u heshiisiinta Soomaalida balse Soomaalida looga baahan yahay in ay iyagu xalka la yimaadaan, haddii ay xal la imaan waayaana aysan jirin cid dibadda xal uga keeni karta.
Kulankan ayaa waxaa lagu casuumay xubno ka socday qeybaha kala duwan ee Soomaalida haddii ay ahaan lahaayeen Siyaasiyiin Rug-Cadaa ah, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin, Fannaaniin iyo Haween, waxaana inta uu socdo si weyn looga hadli doonaa sida ugu mudan ee dib u heshiisiin loogu qaban karo dadka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia