Isniin, February 05, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in uusan jiri doonin shir dib u heshiisiineed oo Soomaalida loogu qabanayo dalka dibaddiisa, wuxuuna caddeeyay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka lagu qaban doono dalka gudahiisa.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol xaarayay shirkaas dib u heshiisiinta ah ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta ah ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka xal loogu raadinayo dhibaatada ku habsatay dalka Soomaaliya, gaar ahaana Caasimadda Muqdisho oo uu ku sheegay in ay tahay madaxii dalka Soomaaliya, “xubnaha jirka bani’aadamka waxaa u sareeya madaxa haddii uu jiran yahayna jirka intiisa kale caafimaad ma heli karo”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo ka rajeeyay ka qeybgalayaashii kulankaasi in ay isku raaci doonaan wax xal u noqon doona dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaare Geedi oo saakay ka soo kicitimay magaalada Baydhabo oo uu ku sugnaa maalmihii tegay ayaa wuxuu sheegay in kulanka loogu gogol xaarayo shirkaas dib u heshiisiinta ah ay iska kaashanayaan Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka iyo Wasaaradda Dib u heshiisiinta, wuxuuna caddeeyay in ay labadaas hay’adood taageero ka heystaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dowaldda Federaalka iyo Xubnaha labada gole.
Hadalkan uu sii daayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii tegay ay jireen warar sheegayay in shirka dib u heshiisiinta ah ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed lagu qaban doono dalka dibaddiisa, iyadoo sidoo kalena uu hadalka Ra’iisal Wasaaraha ku soo beegmayo iyadoo Guddoomiyihii Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in la qabanayo shir Soomaalida lagu heshiisiinayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia