12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo weli ku adkeysanaya in aysan jirin maxkamado Islaam oo Wada hadallo lala sameeyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 03, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta warbixin siinayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo fadhiya ayaa sheegay in madax dhowr ah oo uu kula soo kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya xili uu ka qeybgelayay shir madaxeedkii Midowga Afrika ay u soo jeediyeen in ay Dowladda Federaalka wada hadallo la furto dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu madaxdaas u sheegay in aysan jirin maxkamado Islaam oo haatan jira oo ay dowladda wada hadal la geleyso, “Waxaan ku iri madaxdii aan Addis Ababa kula soo kulmay war nimanyahow anigu haatan ma arko maxkamado wada hadal lala galo, waase jiraan dhalinyaro intii aan Muqdisho joogay habeenkii wax tuur tuuri jiray, welina tuuraya”ayuu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo caddeeyay in madaxdii uu la kulmay ay ku cel celinayeen in ay Dowladda Federaalka wada hadallo la furto Soomaalida, isaguna uu fikirkaas soo dhaweeyay.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in muddo gaaban gudaheed la qaban doono shir Soomaalida ay isku maslaxeyso, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweyneyso cid kasta oo nabad dooneyso, ciddii aan nabad dooneyninna ay ka hortegi doonto.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa uu kulan kula soo qaatay madax badan oo isugu jirtay kuwo Qaaradda Afrika ka soo jeeda iyo kuwo kale oo shirka lagu casuumay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay madaxdaas ka wada hadlayeen sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda dalka Soomaaliya.

Madaxdii uu la kulmay ayuu sheegay in uu ka mid ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Xildhibaano dhowr iyo labaatan ah oo ku sugan dalkiisa, kuwaasi oo Dowladdiisa marti u ah, “Waxaan u sheegay Madaxweyne Geelle in uu Xildhibaanadaas u sheego in ay dalkooda tagaan oo ay ka qeybqaataan howlaha Baarlamaanka hor-yaala, wuxuuna igu yiri Ismaaciil Cumar Geelle haddii ay iga yeelayaan waan la hadli doonaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay ugu dambeysay xubnaha Baarlamaanka oo uu hortago 18-kii September 2006, xiligaasoo la isku dayay in lagu dilo qarax Bambaano oo aad u xoogganaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).