12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dowladda Federaalka oo Beesha Caalamka ka codsatay Dhaqaale lagu dhaqanceliyo Caruur Ciidan ahaan loo isticmaalay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 3, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beesha Caalamka ka codsatay dhaqaale lagu dhaqanceliyo caruur boqol kun ku dhow oo la ciidameeyay tan iyo intii uu dalka Soomaaliya fowdada ku soo jiray.

Xildhibaanad Qamar Aadan Cali oo madax ka ah Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in ay dhaqancelin u baahan yihiin caruur dhan 70 kun, kuwaasi oo ay ciidan ahaan u isticmaali jireen Hoggaamiye kooxeedyadii 16 sano iyo weliba Maxkamadihii Islaamka.

Xildhibaanad Qamar waxay intaas ku dartay in ay Dowladda Federaalka sii deysay caruur ay ku qabatay dagaalkii u dhaxeeyay maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, waxayna sheegtay in aaney caruurtaas helin dhaqancelin sabab la xiriirta in aysan dowladda Federaalka awooddaas lahayn.

“Caruurtani dagaalka la geliyay ee ay sii deysay Dowladda Federaalka waxay ku laabteen waddooyinka maadaama aanan heynin awood dhaqaale oo aan dhaqancelin ugu sameyno, sidaas darteed ayaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka in ay gacan nagu siiso sidii aan u dhaqancelin lahayn Caruurtaas la askareeyay”ayay tiri Xildhibaanad Qamar Aadan Cali.

Xildhibaanad Qamar Aadan Cali oo ay wehlineysay Wasiirradda Haweenka iyo Qoyska Aamina Mursal ayaa ka sheegtay Magaalada Nairobi, xili ay ku sii jeeday Dalka Faransiiska oo lagu qabanayo shir ku saabsan sidii Caruurta looga saari lahaa dagaallada ama in dagaalka loo isticmaalo. Shirkani oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska iyo Hay’adda UNICEF ayaa wuxuu ka dhacayaa dalka Faransiiska 5-6 Bishan, iyadoo ay ka qeybgelayaan Dowlado badan oo dalalkooda Caruurta Ciidan ahaan looga isticmaalo.

Ilaa iyo 13 Dal oo caalamka ayaa la sheegay in Caruurta Ciidan ahaan loo adeegsado, waxaana dalalkaasi ka mid ah Afghanistan, Burundi, Chad, Colombia, Democratic Republic of Congo, Ivory Coast, Myanmar, Nepal, Phillipines, Sri Lanka, Somalia, Sudan iyo Uganda, waxaana sida ay shaacisay Hay’adda Save the Children Alliance ay caruurtaasi badankood yihiin kuwo la kulma tacadiyo inta askar ahaanta loo isticmaalayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).