12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Baarlamaanka Uganda oo laga sugayo in uu si buuxda u ansixiyo Ciidamada uu Dalkiisa u dirayo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 01, 2007(HOL): ilaa 1,400 oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Uganda ayaa la qorsheynayaa in loo diro dalka Soomaaliya horaanta bisha soo socota, sidaasna waxaa xaqiijiyay Wasiiru Dowladaha Difaaca Uganda Ruth Nankabirwa oo intaas ku daray in dirista Ciidamadaas ay kaliya sugayaan in uu si buuxda u ogolaado Baarlamaanka Uganda.

“Xukuumadda Uganda maanta ayay u gudbineysaa Baarlamaanka mooshin ku saabsan in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah ay u dirto dalka Soomaaliya, marka ugu horeysa ee uu Baarlamaanka ogolaadana ciidamadeena Soomaaliya ay u dhaqaaqi doonaan labada asbuuc ee soo socota gudahood”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Difaaca Uganda Ruth Nankabirwa.

Xisbiga haya talada Dalka Uganda oo ku badan kuraasta Baarlamaanka Uganda ayaa horay u ogolaaday in Ciidamada Uganda ay ka mid noqdaan Ciidamada Afrikaanka ah ee loo dirayo Soomaaliya, hayeeshee Xildhibaanada ka tirsan Xisbiga ka soo horjeeda Xisbiga talada haya ayaa waxay wacad ku mareen in ay ka hor imaan doonaan mooshinka la soo hordhigayo Baarlamaanka. Ruth Nankabirwa ayaa sheegay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay aysan fileynin in mooshinkaas la hor imaan doono.

Dowladda Uganda waxay ka mid tahay Dowlado ballanqaaday in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, walow Ciidamadaas aan ilaa iyo haatan loo heynin dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen. Madax ka socotay Dalalka ku bahoobay Midowga Afrika oo shir ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ayaa waxay soo saareen baaqyo ay ku dalbanayaan in si deg deg ah Soomaaliya Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loogu diro, inkastoo baaqaas uu u muuqdo mid aaney u dhego nugleyn dalalka laga doonayo in ay Ciidamada u diraan Soomaaliya.

Dowladaha Liibiya, Koofur Afrika iyo Aljeeriya ayaa sheegay in aaney ciidamo u diri doonin Soomaaliya, balse ay howlgalka lagu nabadeynayo Soomaaliya ay uga qeybqaadan doonaan si yaabo kale oo ay ka mid tahay fududeynta daadgureynta Ciidamada iyo weliba bixinta dhaqaalaha ay Ciidamada ku howlgelayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).