11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dab khasaare Hantiyeed geystay oo xalay ka kacay Degmada Xamar-weyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 01, 2007(HOL): Dabkan oo ka dhashay Fiilooyin Koronto ah ayaa wuxuu baabi’iyay ilaa seddex dukaan oo ku yaalay xaafadda Koodka ee Degmada Xamarweyne, iyadoo dukaamadaasina uu ku jiray mid Carwo ah oo ay hanti badan taalay.

 

Dukaamadan ayaa bas beelay kadib markii booyado demin lahaa dabka ka kacay ay waayeen meel ay ka galaan halka dukaamadaas ay ku yaaleen, inkastoo uu dabkaasi istaagay kadib markii ay u gurmadeen dadka degaanka.

 

Dabka inta badan ka kaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan meelaha Suuqyada ah ayaa marka loo baahdo in la demiyo waxaa lagala kulmaa dhibaato weyn, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aaney jirin waddooyin ay ka geli karaan booyadaha biyaha iyo haddiiba la helo gaadiidka deb-demiska.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).