Arbaco,January 31,2007(HOL): Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isugu tegay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo, si ay u kala doortaan musharixiin isu soo taagtay qabashda xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii waxay guddoomiyaha Baarlamaanka u doorteen Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo bilaabatay saakay barqadii ayaa waxay ku bilaabatay 7 musharax kadib markii ay is-casileen seddex musharax oo iyagu gartay in aysan doorashada ka qeybgelin, hayeeshee mar kale ayaa waxaa is-casilay Saalim Caliyow Ibrow oo ka mid noqday seddex musharax oo isugu soo hartay doorashada guddoomiyenimada Baarlamaanka, waxaana markii uu is-casilay kadib isu soo haray Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Ibraahim Aadan Xasan (Kiish-buur), waxayna markii ay tartameen ay ku kala guuleysteen 153 mudane oo uu helay Shiikh Aadan Madoobe iyo 54 Mudane oo uu helay Ibraahim Kiish Buur, halka lix codna ay xumaatay.
Kadib markii uu ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre uu ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee doorashadii maanta ayaa waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay labadii musharax ee isugu soo hartay doorashada, wuxuuna Ibraahim Kiish buur oo u hambalyeeyay Shiikh Aadan Madoobe uu sheegay in uu la shaqeynayo Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka (Shiikh Aadan Madoobe), iyadoo hadalkaas uu jeediyayna ay Xildhibaanada Baarlamaanka si weyn ugu sacabo tumeen.
Shiikh Aadan Madoobe oo isna hadlay ayaa u mahadceliyay Xildhibaanadii doortay, guddigii qaban qaabada doorashada iyo Guddoonka Baarlmaanka, wuxuuna sheegay in uu xilkiisa u gudan doono sida loogu doortay, isagoo dhinaca kalena bogaadiyay xildhibaankii xildhibaanadii la tartamay ee uu ka guuleystay.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa xilkan qabashadiisa waxaa uu isu soo taagay 15-kii August 2004, hayeeshee waxaa ka guuleystay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo waqtigaasna uu u sharaxnaa garabkii siyaasadeed ee SRRC, maanta oo uu ku guuleystay qabashada xilka guddoomiyenimada Baarlamaankana waxaa la sheegayaa in uu doorashadiisa ka dambeeyo mid ka mid ah labada mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa intii uusan siyaasadda soo gelin waxaa la sheegaa in uu ahaa Macallin Dugsi Qur’aan, isagoo siyaasadda ku soo galay qaab jabhadeyn ah, gaar ahaan Jabhaddii RRA-da oo dagaal muddo socday uu dhexmaray xoogag uu horkacayay Jen. Maxamed Faarax Caydiid oo mar talada Gobollada Bay iyo Bakool kula wareegay qaab aaney dadka gobolladaas raali ka ahayn.
Si kastaba arintu ha ahaatee 17-kii bishan ayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya xilkii Gudoomiyenimada ka qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo xil ka qaadistiisana loo cuskaday in uu hareer maray Axdiga iyo shuruucda u degsan Baarlamaanka, inkastoo Shariif Xasan uu ku doodayo in ay xil ka qaadistiisa u dhacday qaab aan sharci ahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia