11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Koox Wax iska caabin ah oo Muqdisho ka soo saartay Digniin ka dhan ah Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya loo soo dirayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 31, 2007(HOL): Kooxdan Muqaawamada ah oo Barta Internetka www.qaadisiya.com soo dhigtay filim muuqaal ah oo ay ugu digayaan ciidamada Afrikaanka ah ee loo soo dirayo Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay la dagaalami doonaan haddii ay ciidamadaas yimaadaan Soomaaliya.

 

“Soomaaliya ma noqon doonto meel aad joogitaankeeda mushaar ku qaadataan ee waxay noqon doontaa meel aad ku dhimataan”ayuu yiri mid ka mid ah ragga filmka ka muuqda oo warqad ka aqrinaya digniinta ay soo saarayaan.

 

Muuqaalkan kooxdan ayaa marka aad eegto sida ay dharka u qabaan amaba ay u hubeysan yihiin waxay is-shabahaan kooxaha muqaawamada ah ee ka jira dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

 

Waa markii ugu horeysay oo Koox la baxday Kooxda Wax Iska caabinta Shacabka oo ku sugan Dalka Soomaaliya ay filim muuqaal ah oo digniin xambaarsan ay Internet-ka soo geliso, iyadoo ay taasina ay timid kadib markii ay Maxkamadihii Islaamka isaga baxeen dalka Soomaaliya, isla markaana ay dalka soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya Dowladda Federaalka.

 

Digniinta ay soo saarayaan Kooxdan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle uu sheegay in ay howlgal bilaabayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo bar tilmaameedsan doona Kooxaha Burcadda ah ee dadka dhaca iyo dilka u geysta iyo weliba kooxaha kale ee weerarrada ku qaada fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka.

Halkan ka eeg qoraalka iyo Filimka ay Kooxdan soo dhigeen Internetka

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).