11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in uu Baydhabo ku arkay xaalad uusan horay ugu arki jirin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 30, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa maanta mar uu la hadyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu magaalada Baydhabo kula kulmay xaalad uusan horay ugu arki jirin.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay aad ugu soo bateen hub fudud iyo tikniko ay leeyihiin Xildhibaano, Wasiirro iyo Wasiir ku xigeeno, kuwaasi oo uu sheegay in uusan ogeyn ujeedada laga leeyahay heysashadooda.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi  waxaa uu sheegay in aaney dowladda u dulqaadan karin in hub aanan ahayn midka dowladda lagu heysto magaalada Baydhabo,  wuxuuna sheegay in ciddii lagu helo iyadoo hub ku dhex wadata magaalada tallaabo laga qaadi doono.

 

Sharciga xaaladda deg dega ah ayuu sheegay Prof. Geedi in magaalada Baydhabo laga dhaqangelinayo, isla markaana ay dowladda sugeyso ammaanka magaalada oo ay ku soo badanayaan kooxo hubeysan. Ra’iisal Wasaare Geedi iyo Xildhibaano Muqdisho kala tegay ayaa waxay magaalada Baydhabo u tageen in ay ka qeybgalaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in ay dhacdo maalinta berri ah.

 

Dhanka kalena, waxaa maanta Xildhibaanada Baarlamaanka hor tegay musharixiinta u tartameysa qabashada jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka, waxaana laga dhegeystay Musharixiintaas Taariikh Nololeedkooda iyo waxa ay qabanayaan marka ay ku guuleystaan Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka. Musharixiinta ugu cad cad ee qabashada xilkaas isu soo taagtay ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), Saalim Caliyow Ibrow, Ibraahim Kiish-buur iyo Shiikh Aadan Maxamed Mader, kuwaasi oo dhamaantood ka soo jeeda Beesha leh xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Digil iyo Mirifle.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).