11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga oo sheegay in dhaqsi wax looga qabanayo amni la’aanta ka jirta Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 30, 2007(HOL): Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo maanta ka hadlayay shir uu Guddiga Ammaanka Qaranka Gobolka Banaadir ku yeeshay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku dhaqaaqayaan howlgallo nabad-sugid ah.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay dhamaadeen wada hadallo ay Dowladda Federaalka kula jirtay Odayaasha Beelaha ku hubeysan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in haatan wixii ka dambeeya aysan dowladda sii wadi doonin wada hadallo, iyadoo ay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay ka sii dareyso.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga oo Guddoomiye ka ah Guddiga Ammaanka Qaranka Gobolka Banaadir waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Booliska oo howlgalka qeyb ka ah ay ku shaqo leeyihiin la dagaalanka burcadda dadka dhaca u geysata, halka Ciidamada Mileteriga ay iyaguna la dagaalami doonaan Kooxaha Falalka nabadgelyo darrada ah ka wada magaalada Muqdisho.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in falalka nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan wax uu ugu yeeray haraagii argagixisada, kuwaasi oo uu caddeeyay in ay Muqdisho ka abaabulayaan falal ka dhan ah Nabadgelyada, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda tallaabo ka qaadi doonto.

 

Go’aankan lagu howlgelinayo Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii tegay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal loo geystay dad rayid ah iyo weerarro hubeysan oo lagu qaaday fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay Magaalada Muqdisho gacan ku heynteeda la wareegtay waxay dadka Muqdisho muujinayaan wel wel ku saabsan in ay faraha ka baxdo xaaladda ammaan ee Magaalada Muqdisho oo mudadii ay Maxkamadihii Islaamka ka talinayeen ahayd mid hagaagsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).