12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Isbitaalka Gobolka Hiiraan oo dib loo furay kadib markii ay gacan ku heyntiisa la wareegtay Hay’adda M.S.F

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, January 30, 2007(HOL): Waxaa mudo  8 sano ah kadib dib loo furay  Isbitaalka weyn ee gobalka Hiiraan  kadib markii  hay’ada   M. S. F.  oo maal mihii aynu soo dhaafnayba dhaqaatiir ka socota ay ku sugnaayeen  gobalka Hiiraan.

 

Munaasabada furitaanka isbitaalka  oo si weyn looga soo qeyb-galay ayaa sidoo kale waxaa xubnihii ka soo qeyb-galay ka mid ahaa  Wasiirka wasaarada Waxbarashada  C/raxmaan Cabdi Waare, Xildhibaan Cali Jeyte Cusmaan, iyo waliba Xildhibaan Axmed Cumar Gaa-gaale.

 

Ugu horey warbixin kooban oo ay halkaas ka soo jeediyeen  Guddigii u xilsaarnaa howlaha isku daba ridka furitaanka isbitaalka ayaa waxaa faah faahin dheer ka bixiyeen marxaladihii kala duwaan ee laga soo maray sidii mar uun loogu guuleysan lahaa in mar kale uu shaqadiisii dib u bilaabo  isbitaalka weyn ee gobalka oo sida uu gudigu sheegay xirnaashihiisa lagala kulmay dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah.

 

AVV. Yuusuf Xaaji Cilmi  oo ka mid ahaa gudigii sida weyn isugu dhabar jibiyay sidii uu mar kale u shaqeyn lahaa  isbitaalka ayaa sheegay in  wax badan ay ka fikireen ka hor inta aan lagu dhiiran in dib loo furo isbitaalka dhinaca nabad-galyada si markaa loo damaanad qaado maanka hey’adda markaas dooneysa in ay maal galiso   isbitaalka, waxaana uu intaas raaciyay in waqtigii uu jiray nidaamkii maxkamaduhu ay hishiis kala saxiixdeen hay’ada iyo waliba mas’uuliyiintii xiligaa ee maxkamada gobalka,  islamarkaana wax lagu farxo ay tahay markii uu nidaamkii isbadalay in howshii halkeedii ka sii socto.

 

Intaas kadib waxaa halkaas ka hadlay madaxa Hay’ada Maal galineysa isbitaalka ee M. S. F.  Mr. Gotavo oo sheegay in mar walba iyagu ay xooga saarayeen in marka hore la xaqiijiyo nabad-galyada ka hor inta aan wax kale la guda galin, waxaana uu intaas ku daray in wax lagu farxo ay tahay sida dadka gobalku uga shaqeeyeen dhinaca nabad-galyada oo muujineysa ayuu yiri baahida weyn ee loo qabo in la helo  goob caafimaad oo dadka ku wada filan.

 

Mr. Gotavo waxaa uu intaas ku daray in  dhinacooda ay balan qaadayaan in isbitaalku noqdo mid shaqeeya, dadkuna ka helaan adeegiii loo baahnaa lakiin dadka dhinacooda looga baahan yahay wada shaqeyn buuxda, gaar ahaan dhinaca nabad-galyada ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Wasiirka wasaarada waxbarashada C/raxmaan Cabdi Waare oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dhicooda hadii ay yihiin xubnihii dowlada federaalka wax lagu farxo ay tahay in ku beegmaan xili dadka gobalka iyo waliba  hay’ada M. S. F. ay wada galeen hishiis  xalaal ah sida uu hadalka u dhigay , isla markaana ay garab taagi doonaan iyaga oo matalaya dowlada federaalka, waxaase uu wasiirku kula dar daarmay dhaabaan dhinacyada ay quseyso howsha isbitaalka in meesha laga saaro musuq iyo waliba dad jecleysi mar hadii ay arimo yihiin kuwo caafimaad ayuu intaa sii daba dhigay.

 

Waxaana markii dambe loo gubay in xariga laga jaro isbitaalka oo uu xariga ka jiray wasiirka wasaarada waxbarashada,  iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen  qey-baha bulshada iyo waliba gudigii ku howlanaa furitaanka isbitaalka oo hada shaqadiisu bilaabatay.

 

Maal-mihii aynu soo dhaafay ayaa waxaa jiray  in hay’adu ku howlaneyd  sidii loo heli lahaa shaqaale ka howl-gala isbitaalka, waxaana jiray  Imitixaan laga qaadayay dhamaan cidiii heysata  shacaado caafimaad, taasoo lagu guuleystay.

 

Xirnaashaha Isbitaalka weyn ee gobalka Hiiraan ayaa lagala kulmaya dhibaatooyin dhinaca caafimaadka ah maadaama dadka ku dhaqan gobalka hiiraan intooda badan  ay u aadi jireen gobalada dariska ah iyo waliba caasimada Muqdisho  helista adeeg caafimaad oo ku filan, mar hadii gobalku uusan laheyn isbitaal rasmi ahaan shaqeeya, lakiin taa hada waxaa moodaa in ay soo dhamaatay.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).