12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Talyaaniga oo dib u heshiisiin u qabanaya Soomaalida

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 30, 2007(HOL): Dowladda Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay shir dib u heshiisiineed u qabaneyso Soomaalida, kaasi oo lagu soo af-jarayo mushkiladda Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Romano Brodi oo la hadlayay madaxda ka qeybgeleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee maanta lagu soo gebagebeynayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in dowladdiisa ay si dhow ula socotay is-bedellada ka adhacayay dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in loo baahan in xoogga la isugu geeyo sidii loo xalili lahaa dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira, iyadoo qaabka loo wajahayo ay tahay mid wada xaajood ah.

 

Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga waxaa uu sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, isla markaana ay isla soo qaadeen sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Brodi uu sheegay in uu madaxweyne Yuusuf u muujiyay in ay Dowladda Federaalka dooneyso in wada hadal lagu raadiyo xalka Soomaaliya.

 

Talyaaniga ayaa dhawaan waxaa uu shaaciyay in loo baahan yahay in Soomaaliya loo dhiso dowlad Salballaaran oo ay qeybaha Soomaalida ka wada qeybgalaan, inkastoo dalabkaas ay ka soo horjeesteen mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa isla markaana wax laga weydiiyay sida uu u arkayo in Soomaaliya loo dhiso dowlad Salballaaran ayaan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dowlad u dhisan tahay, isla markaana aanan loo baahneyn dhismaha Dowlad kale.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa isna sheegay in dowladdiisa aysan wax mucaarad ah lahayn, waxa kaliya ee u harsanna ay  yihiin heshiisiinta Qabaa’illadii is-dilay. Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray in heshiisyadii siyaasadeed lagu soo dhameeyay shirkii Kenya mudada labada sano ahayd uga socday Soomaalida.

 

Sidoo kalena, Danjire C/kariin Faarax Laqanyo oo Dowladda Federaalka wakiil uga ah Midowga Afrika oo ka hadlay in dowladda Federaalka ay wada hadallo la gasho Maxkamadihii Islaamka, isla markaana dowladda Federaalka la ballaariyo ayaa sheegay in dadka sidaas ku fekeraya ay la mid yihiin kuwo doonaya inay indhaha u furaan qof dhintay, isagoo taasina ku fasiray in aaney Maxkamadihii Islaamka haatan jirin, sabab wada hadallo loola galana aaney muuqan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).