12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay dhinaca Cirka ka taageeri doonto Ciidamada Afrikaanka ah ee loo dirayo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 29, 2007(HOL): Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer ayaa sheegtay in ay Dowladda Mareykanka diyaar u tahay in ay dhinaca Cirka ka taageerto Ciidamada Afrikaanka ah ee loo dirayo Soomaaliya.

 

Jendayo Frazer ayaa hadalkan sheegtay kadib markii ay kulan la qaadatay Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omar Konnare, kaasi oo ay ka wada hadleen sidii Ciidamo loo geyn lahaa dalka Soomaaliya, waxayna Jendayi Frazer intaas ku dartay in Mareykanka uu diyaar u yahay in uu Ciidamada Afrikaanka ah ka kaalmeeyo dhinaca Cirka.

 

Jendayi Frazer oo u warantay Wakaaladda Wararka AFP ayaa sheegtay in ay arrintaas horay ugala hadleen Dowladda Uganda oo sheegtay in ay Ciidamo u direyso Dalka Soomaaliya, waxayna xaqiijisay in ay ciidamada loo dirayo Soomaaliya dhinaca howlgallada ka saacidi doonaan diyaaradaha Dagaalka Mareykanka.

 

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegaa in ay dhinaca Cirka ka taageereysay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya dagaalka kula galay Xoogaggii Maxkamadihii Islaamka ee laga saaray deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof.Alpha Omar Konnare oo maanta ka hadlayay furitaanka kulan ay Madaxda Afrika ku leeyihiin Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalalka Afrika looga baahan yahay in ay deg deg ciidamo ugu diraan Soomaaliya, si aaney faraha uga bixin xaaladda dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).