Isniin, January 29, 2007(HOL): Madaxda in ka badan 50 Dal oo ku bahoobay Midowga Afrika ayaa maanta waxay ku shirsan yihiin Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyagoo ka wada hadlaya xaaladaha Darfur-Suudaan iyo Soomaaliya.
Xaaladda Gobolka Darfur oo bishii ugu dambeysay lagu dilay ilaa 300 oo qofood, isla markaana lagu kufsaday Haween gobolka ka soo jeeda iyo kuwo Samafalayaal ah ayaa shirka si weyn looga hadlayaa, sidoo kalena waxaa shirka looga hadlayaa xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loogu diri lahaa.
Dalalka Afrika badankood ayaa waxay u muuqdaan kuwo aan daneyneynin in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, waxaana ilaa iyo hadda si cad u sheegay in ay Ciidamo u dirayaan Soomaaliya Dalalka
Shirka oo uu ka qeybgalayo Xoghayah guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ayaa waxaa kale oo looga hadlayaa cidda qabaneysa guddoomiyenimada Midowga Afrika 12ka bilood ee soo socota, inkastoo ay sharaxan tahay Suudaan oo sanadkii hore loogu diiday in ay xilkaas qabato iyadoo tacadiyo dhinaca Bani’aadannimada ah ay ka jireen Gobolka Darfur.
Hadda qudheeda waxaa jiro cadaadis diblumaasiyadeed oo Suudaan loogu diidayo in ay qabato xilka Guddoomiyenimada Midowga Afrika, iyadoo taasina la xiriirto mushkiladda ka jirta Gobolka Darfur iyo iyadoo Dowladda Suudaan ay diidan tahay in Ciidamo ka socda UN-ka lagu bedelo Cidamada Midowga Afrika ee gobolkaas ku sugan kuwaasi oo ku guuleysan la’ in ay maareeyaan dhibataada halkaas ka jirta.
Sidoo kalena waxaa shirka Midowga Afrika looga hadli doonaa arrimo ku saabsan is-bedelka Cimilada Qaaradda Afrika iyo weliba horumarinta Seyniska iyo Tiknoolojiyada Wadamada Qaaradda Afrika.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online