12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo Magaalada Beledweyne la tegay fikrad ah in Gobolka Hiiraan laga dhigo labo gobol

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 28, 2007(HOL): Xubanaha dowlada federaalka ee uu horkacayo wasiirka wasaarada wax-barashada  C/raxmaan Cabdi Waarre  ayaa tan iyo markii ay soo gaareen magaalada B/weyn ee xarunta Gobalka Hiiraan waxaa jiray  kulamo is xig xigay oo la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada, si markaa looga wada hadlo isku aragtina laga noqda marxalada cusub ee uu dalku galay iyo waliba taageerada dowlada federaalka oo hadda u muuqta mid ku baahsan guud ahaan dalka soomaaliya.

 

Kulamadaa xubnaha dowladu ay la yeelanayeen qey-baha bulshada ayaa waxaa ugu danbeeyay mid xasaasi ahaa oo ay la yeesheen  Aqoonyahanada gobalka kaasoo looga hadlayay  suurtagalnimada  in Gobalka Hiiraan loo qeybiyo labo Gobal si markaas gobalku miisaan muuqda uu ugu yeesho siyaasada dalka.

 

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen in ka badan ilaa 150 ka kala tirsan qeybaha bulshada ayaa waxaa ka dhax-abuurmay dood culus oo ay is dhaafsanayeen Aqoonyahanada iyo waliba  xubanaha dowlada ee fikirkaa keenay,  waxaana jirtay in lagu kala qeyb-sanaa aragtidaa la xiriirta in labo gobalka laga dhigo gobalka hiiraan.

 

Wasiirka wasaarada wax-barashada oo doodaa ka hadlay ayaa sheegay in markii horeba gobalkan hiiraan laga eexday markii gobalada dalka loo qeybiyay  18ka  gobalka, isagoo sheegay in markii la joogay shirkii  Dalka kenya   Qaar ka mid ah gobalada dalku ay saami ku qaateen labo gobal, kuwaasoo marka la eego ayuu yiri  wax badan ka shacbiyad iyo waliba baaxad yar gobalka hiiraan sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu intaa sii raaciyay in gobalka hiiraan oo ay ku noolyihiin ilaa 12 beelood  uu awood u leeyahay in laga soo dhex saaro gobal kale.

 

Laakiin dooda  wasiirka wasaarada wax-barashada waxaa mid ka duwan halkaa ka soo jeediyay qaar ka mid ah aqoon-yahanadii  kulanka ka qeyb-galay,  VV. Yuusuf Xaaji Cilmi oo ka hadlay kulankaa ayaa sheegay in waqtigan  aan lagu deg degi karin arintaa iyada ah waayo ayuu yiri  waxaa hubaal ah in wax lagu keeni waayay mid nimo aan mar naba lagu heli doonin in wax la kala qeybiyo, waxaana uu intaa sii Raaciyay in hadii loo baahdo gobalka hiiraan isaga oo aan la kala qeybin  saami loogu raadin karo Tirada shacbiyada iyo waliba Beelaha dega oo ay yar tahay ayuu yiri gobal ay ku wada noolyihiin.

 

Eng. Taano  oo isaguna ka mid ahaa qeybihii aqoonyahanada ee ka hadlay kulanka ayaa sheegay in fikrada ceynkan oo kale ah lala soo daahay islamarkaana xitaa gobalkan laga dhigi karo  ilaa sadax gobal hadii loo baahdo,  waxaana uu intaa raaciyay  waliba in uu figradiisa ku dhiibanayo in la dadajiyo arinkaa isaga ah.

 

Waxaase dood intaa oo dhan ka duwan halkaa ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobalka hiiraa Eng. C/laahi Cabdi Cali Koofi oo sheegay in ka hor inta aan lagaba doodin kala goynta gobalka  laysku dayo in dadka wada degan gobalkan sida uu hadalka u dhigay laysku laab xaaro, waxaana uu itaa raaciyay in ay hubaal tahay hadii aysan taan dhicin in gobalku uu kala raacayo gobalada dariska la ah.

 

Iyadoo dooddu ay aheyd mid si weyn u soo jiidatay dareenka dadkii ka qeyb-galay,  ayaa dhanka kale waxaa xusid mudan in qaar ka mid aqoonyahanadii kulankaasi ka qeyb-gashay ay keeneen dood ku saabsan in laga hadlay qaabku  uu u kala go’ayo marka laga hadlayo dhinaca jihooyinka, lakiin ma’aysan cadeyn dhinacooda aqoonyahanada qabay fikirkaa marka hore in ay raacsan yihiin qorshada ah in hiiraan loo qeybiyo labo gobal iyo in kale.

 

Arrintan oo markii danbe gudi loo saaray si markaa looga soo baaraan dego ayaa u muuqnaysa in ay tahay mid ka go’an ka miro dhalinteeda xubnaha dowlada ee ku sugan gudaha gobalka, taasoo dad badani wax iska weydiinayo, waxaana marka aad eegto gudaha magaalada hadal heyta ugu weyni tahay dooda ay soo bandhigeen  xubnaha dowlada ee soo gaaray gobalka, waxaana qaar ka mid ah dadku ay ku doodayaan in xitaa hadii loo baahdo qorshaha ceenkaa ah  lagama maar maan tahay in uu noqdo mid ka soo wada go’a  dhamaanba xubnaha u dhashay gobalka ee ku jira dowlada federaalka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).