12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 28, 2007(HOL): Iska hor imaadkan oo ka dhacay Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ay dowladda Federaalka ku tilmaantay kuwo nabadda ka soo horjeeda.

 

Iska hor imaadkaas waxaa ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska  Dowladda Federaalka, waxaana ku dhaawacmay 8 ruux oo rayid ah oo isugu jiray Kooxihii hubeysnaa iyo dad aan dagaalka lug ku lahayn.

 

Sababta keentay iska hor imaadkan ayaa lagu sheegay in ay la xiriirtay iyadoo Ciidamada Booliska ay ku soo baxeen kooxaha hubeysan oo doonayay in ay dilaan nin ku sugnaa nawaaxiga Ex-Koontarool Balcad, kaasi oo aan la ogeyn sababtii ay u bartilmaameedsanayeen kooxahaas hubeysan, halka dad kalena ay sheegeen in ay kooxaha hubeysan doonayeen in ay halkaasi gaadiid ka dhacaan.

 

Deegaanka Suuqa Xoolaha oo aan u dheereyn halka uu iska hor imaadkan ka dhacay ayaa waxaa horay ugu dagaalamay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxaana labo weerar oo halkaasi ka dhacday ku dhintay dad ku dhow 10 ruux oo u badnaa kuwo rayid ah.

 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay ka baxeen Maxkamadihii Islaamka, isla markaana ay taladeeda la wareegtay Dowladda Federaalka waxaa ay noqotay mid aaney hagaagsaneyn xaaladdeeda nabadgelyo, waxaana maalin iyo habeen kasta ka dhacaya weerarro lagu qaadayo fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, iyadoo ay sii dheer yihiin dilal loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).