Axad,
Wuxuu intaas ku daray in ay meesha ka baxeen Maxkamadihii Islaamka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka sano, sidaas darteedna aysan dowladda Federaalka lahayn wax ka soo horjeeda oo ay la hadleyso.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in ay dhamaadeen shirarkii dib u heshiisiinta Siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay in arrimahaas lagu dhameeyay shirkii dib u heshiisiinta ee mudada labada sano ahayd ka socday dalka Kenya, waxa u harsanna ay yihiin heshiisiinta Qabaa’illadii is-dilay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika, kuwaasi oo uu madaxdooda kala soo hadlayay sidii ay Soomaaliya ugu tabaruci lahaayeen ciidamo nabad ilaaliyayaal ah ayaa wuxuu magaalada Addis Ababa uga qeybgelayaa shir ay leeyihiin Madaxda Midowga Afrika, kaasi oo looga arinsanayo arrimo ay ka mid tahay ciidamo u dirista Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online