Axad, January 28, 2007(HOL): Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqti dheeri ah ku daray mudadii ay u qabteen soo gudbinta araajida musharixiinta dooneysa in ay ka qeybgalaan doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka.
Shalay oo bisha Janaaya ay ahayd 27 ayay ku ekeyd mudadii hore, hayeeshee waxaa lagu daray labo maalmood, iyadoo waqtiga ugu dambeeya uu noqon doono 29-ka bishan, kadibna waxay guddigu sheegeen in 30-ka bishan la dhegeysan doono qudbooyin ay jeedinayaan musharixiinta dooneysa in ay qabtaan xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, iyadoo 31-ka bishana la qaban doono doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.
17-kii bishan ayay Xildhibaanada Baarlamaanka si gacan taag ah xilkii Guddoomiyenimada Baarlamaanka uga qaadeen Shariif Xasan Shiikh Aadan kadib markii lagu eedeeyay in uu hareer maray shuruucda u degsan Baarlamaanka, isla markaana uu heshiiyo la galay Maxkamadihii Islaamka. Sida uu dhigayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu shaqada ka tago ama xilka laga qaado waxaa guddoomiyaha cusub lagu soo dooranayaa muddo 15 cisho gudahood ah.
Laakin Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xildhibaano Jabuuti kula sugan oo ay ka mid yihiin Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwo kale ayaa waxay ka soo horjeedaan sida ay wax u wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo fadhiya, iyagoo sheegay in ay sharci darro ahayd sidii xilka looga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in ay wax lala yaabo ahayd in Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Dowladda Federaalka si deg deg ah xil ka qaadis loogu sameeyo, “Waa nasiib darro in Guddoomiyaha Baarlamaanka xilka looga qaado mooshin Baarlamaanka la hor geeyay lix saac, lix saac iyo barna la yiraahdo guddoomiyihii xilka si gacan taag ah ayaa looga qaaday”ayuu yiri Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in haddiiba xil ka qaadis lagu sameynayo Guddoomiyaha ay ahayd in qaabkii sharciga ahaa loo soo maro,isla markaana waqti la siiyo xil ka qaadista iyadoo codeynta ay u dhaceyso qaab aan gacan taag ahayn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online