14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Koofur Afrika iyo Liibiya oo sheegay in aysan Ciidamo u direynin Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 26, 2007(HOL): “Dowladda Koofur Afrika Ciidamo uma diri doonto Soomaaliya, balse waxay siin doontaa taageero kale”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Koofur Afrika Mr Mosiuoa Lekota kadib kulan uu magaalada Pretoria kula qaatay Madaxweyne Thabo Mbeki.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in uusan dalkiisa awood u lahayn in uu Ciidamo u diro Soomaaliya, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in ay horay Ciidamo u geeyeen dalalka Burundi, D. R. Congo, Ivory Coast, Sudan iyo Ethiopia/Eritrea.

 

Mr Mosiuoa Lekota waxaa uu sheegay in aysan dowladdiisa mucaaradeynin baaqii UN-ka iyo Midowga Afrika ee ahaa in ay Dalalka Afrika Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah geeyaan Soomaaliya, wuxuuse sheegay in aysan haatan taasi duruufta u saamaxeynin hayeeshee ay ka fekerayaan qaabab kale oo ay uga qeyb qaadan karaan howlgalka nabad sugidda ah ee ay Ciidamada Afrika ka fulinayaan Soomaaliya.

 

Sidoo kalena Dowladda Liibiya ee Madaxweyne Mucamar Al-Qadaafi ayaa iyadana sheegtay in aysan Soomaaliya Ciidamo u direynin balse ay dhaqaale ku bixin doonto Howlgalka ay Ciidamada Midowga Afrika ka fulinayaan Soomaaliya, sidaasna waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibiya Mr. Abdirahman Shalgam.

 

Mr. Abdirahman Shalgam ayaa hadalkan ka sheegay Magaalada Sirta ee dalka Liibiya, halkaasi oo ay kulan ku lahaayeen madax ku bahowday Ururka SIIN SAAD, kuwaasi oo ka wada arinsanayay sidii ay Wadamada ku bahoobay Midowga Afrika u sameysan lahaayeen Maamul leh Waaxo isugu jira Gaashaandhigga, Ganacsiga Dibadda, Arrimaha Dibadda iyo weliba Waaxo Isgaarsiineed. Dowladda Liibiya ayaa iyadu dooneysa oo gadaasha ka riixeysa in ay Wadamada Midowga Africa sameystaan Isu tag leh qaabka Mareykanka ah oo kale, walow ay arrintaas ka soo horjeedaan dalal badan oo qaba in la tixgeliyo madax banaanida Qaran ee ay leeyihiin Wadamada Afrika.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo muddo labo sano iyo dheeraad ah ku meereysaneysay magaalooyin aan caasimadda Dalka ahayn ayaa haatan waxaa u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta deegaano badan oo aysan horay uga talin jirin oo ay ku jirto Magaalada Muqdisho,  walow ay taasi u suurtageliyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay kaashaneysay, waxayna dooneysaa  haatan Dowladda Federaalka in Ciidamo ka socda Midowga Afrika Soomaaliya loo diro ka hor inta aysan Ciidamada Itoobiyaanka ka wada bixin Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).